Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay Ceel waaq
Xigashada Sawirka, AFP
Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa muddo kooban gacanta ku hayay degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo, ka dib markii ay xalay halkaa isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa.
Xooggga Al-Shabaab ayaa markii dambe isaga baxay degmadaasi, waxaana hadda kusoo laabtay ciidamada dowladda.
Gudoomiyaha Ceel waaq, Ibraahim Guuleed Aadan, ayaa BBC u sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay burburiyeen saldhigga degmada, isla markaana ay dhaceen raashin iyo qalab yaalay xafiisyo ay leeyihiin hay'ado gargaarka ka shaqeeya.
Ma jirto cid ay waxyeelo ka soo gaartay qabsashada Al-Shabaab ee degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in ka dib markii ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka baxeen Ceel waaq la maqlayay duqeyn cirka ah oo la rumaysan yahay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay la beegsadeen dagaalyahannadaasi.
Al-Shabaab ayaa Isniintii lasoo dhaafay weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday ciidamada dowladda ee fadhigoodu yahay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo