Sawirro: Maamuuska Boqortooyada iyo Boqornimada Charles

Xigashada Sawirka, Reuters

Dadki tirada badnaa ee isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle si ay Boqoradda greeriyootay ixtiraam ugu muujiyaan, waxaa la yaab ku noqotay marki albaabka qasriga laga galo ay ka soo muuqdeen William iyo Catherine, Amiirka cusub iyo Amiirada Wales, oo ay wehliyaan Amiir Harry iyo Meghan.

Si wadajir ahna waxay u maamuseen boqoradda ugu muddada dheereed ee geeriyootay iyo dadki kale oo halkaa ku sugnaa.

Muddo ka badan laba sano waa marki ugu horreysay oo meel fagaara ah lagu arko afartooda oo wada socota.

Xigashada Sawirka, Andrew Coulridge / Reuters

Xigashada Sawirka, PAUL CHILDS/Reuters

Xigashada Sawirka, Paul Childs / Reuters

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/PA

Crathie Kirk, oo ah kaniisad u dhow Balmoral ee Scotland, saddexda carruurta ee boqoradda, Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo Amiir Edward, ayaa ka mid ahaa xubnaha qoyska ee daawaday ubax sharafeed halkaa la dhigay.

Xigashada Sawirka, Owen Humphreys/PA

Xigashada Sawirka, Jeff J Mitchell / Getty Images

Afarta gabdhood oo ay Boqradda ayeyda u tahay Zara Tindall, Amiirad Beatrice iyo Eugenie iyo Louise windsor, iyo wiilka ugu yar ilmaha ay ayeyda u tahay Peter Phillips ayaa sida oo kale booqashada ku wehliya.

Xigashada Sawirka, Tim Rooke/REX/Shutterstock

Horaantii maalintaas, Boqor Charles III ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu boqor yahay, ka dib marki ay Khamiistii geeriyootay hooyadii, Boqorad Elizabeth II..

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady/PA

Boqor Charles xilli uu Qasriga St James uu kula kulmay guddiga xilwareejinta wuxuu sheegay inta noloshiisa ka dhiman inuu boqortooyada u adeegayo.

Khudbadiisa wuxuu ku amamanay boqoradda geeriyootay isaga oo sheegay "qasaaraha geerida boqoradda ka soo gaaray iney tahay mid aad u weyn."

Xigashada Sawirka, Victoria Jones / Pool / via Reuters

Waxaa boqorka munsabadii Sabtidi dhacday ku garab joogay boqorad Camilla iyo dhaxal-sgaha Amiir William.

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady / POOL / AFP

Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ay ka midtahay Ra'isal wasaare Liz Truss, oo xilka loo magacaabay horraantii toddobaadkan.

Waxaa kale oo xubnaha goob joogga u ahaa munaasabaddaasi waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Labour Keir Starmer oo ay wehliyaan Raysal wasaarayaashi hore Gordon Brown, Boris Johnson, David Cameron, Theresa May iyo John Major.

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Shaacinta Boqorka cusub waxaa saxiixay mas'uuliyiin sarsare uu ka mid ahayd madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt iyo wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Xigashada Sawirka, Kirsty O'Connor/Pool via REUTERS

Xigashada Sawirka, Jamie Lorriman/Pool via REUTERS

Xigashada Sawirka, Richard Heathcote/Pool via REUTERS

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Xigashada Sawirka, Tolga Ovali/Anadolu Agency via Getty Images

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Xigashada Sawirka, Daniel Leal/PA

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Xigashada Sawirka, Tolga Akman /EPA-EFE

Shaacinta labaad waxaa laga akhriyey isgoyska boqortooyada oo ku yaalla magaalada London.

Xigashada Sawirka, Pool via Reuters

Xigashada Sawirka, Toby Melville/PA Wire

Xigashada Sawirka, Toby Melville/PA Wire

Munaasabadda shaacinta kaddib Boqor Charles III wuxuu ku laabtay qasrika Buckingham. Caleema-saarka rasmiga ee boqorka waxaa laga yaabaa inuu wakhti dheer qaadan, 16 bilood ayaana ka soo wareegtay dhimashadii Boqorad Elizabeth II uu caleemo saarkeedu ahaa June 1953.

Xigashada Sawirka, Henry Nicholls / Reuters