Sawirro: Dadaallada markabka looga weecinayo Marinka Suez

Xigashada Sawirka, EPA

Waxaa socda dadaallada lagu soo saarayo markabka Ever Given, oo qaada xamuulka dhererkiisuna yahay 400m (1,300ft) kaas oo tan iyo Talaadadii xannibay Marinka Suez ee dalka Masar.

Injineerrada ayaa ciidda iyo dhooqada ka saarayay markabka, halka kuwo kalena ay isku dayayeen inay meesha ka weeciyaan markabkan.

Shalay, milkiilaha Ever Given oo u dhashay dalka Japan, Shoei Kinsen, ayaa raalligelin ka bixiyay saameynta dhacdadaas ay ku yeelatay marinka oo ciriiri uu ka jiro.

Wuxuu sheegay in iyada oo lala kaashanayo maamulka gudaha ay socdaan dadaallo lagu xallinayo dhibaatada, balse wuxuu ka digay inay aad u adag tahay.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ever Given, oo ay maamusho shirkadda Taiwan laga leeyahay ee Evergreen Marine, ayaa ku xanniban marinka

Xigashada Sawirka, EPA

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Markabka oo ciidda iyo dhiiqada laga gurayo

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, In ka badan 150 markab oo kale ayaa sugaya inay ka gudbaan marinka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir dayax gacmeed lagu qaaday oo muujinaya markabka Ever Given oo ku xanniban kanaalka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Saraakiisha Marinka Suez ayaa Arbacadii booqday markabka xanniban si looga shaqeeyo qorshaha samatabixinta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Markabka xanniban oo laga arki karo beer u dhow Kanaalka Suez

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii la soo dhaafay Marinka Suez waxaa maalin walba isticmaalayay qiyaastii 51.5 markab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marinka Suez, oo sawir laga qaaday 2017,wuxuu dhererkiisu yahay 193km (120 meyl)

Xuquuqda dhammaan sawirrada way dhowran tahay.