Sawirrada Afrika iyo todobaadkan: Dameer farow taxtaxaashaya oo baabuuri ka joogsatay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dameer farow wadada ka talaabaya oo baauurtu ka joogsatay. Waa seeraha Kimana ee Kenya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Touré, waa nin Gambian ah oo cusbada ka soo gura gunta harada Retba ee Senegal.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haradan waxa kale oo loo yaqaan harada cas.

Xigashada Sawirka, Christopher Furlong

Qoraalka sawirka, Farshaxan ciidda ku xardhay sawirka gabadh 12 jir ah oo reer Itoobiya ah oo la yidhaa Ansha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidda lagu xardhay sawirka gabadha yari waa xeebta Whitby ee woqooyiga England

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askari ka tirsan booliska Algeria oo haweenay dadka mudaharaadaya ka mid ah madaxa ka dhunkanaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka banaanbaxaya ee reer Algeria waxay dalbanayaan in xubnaha dawladii hore la soo shaqeeyey aan xil dambe loo dhiibin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Arday banaan bax ka dhigaya Johannesburg oo dalbanaya in wax laga bedelo gargaarka maaliyadeed ee ardayda jaamacadaha la siiyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin digaag ku iibinaya sayladda xoolaha ee magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle ee dalka Itoobiya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wiil yar oo ku ciyaaraya biyaha webiga Cadbara, gobolka Gadaarif ee Sudan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin reer Tanzania ah oo Khamiistii wargeys ka akhriyaya warka geerida Madaxweyne John Magufuli oo 61 jir ku geeriyooday.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, On Wednesday mourners gather at the Olympic stadium in Abidjan, Ivory Coast, to remember the late Ivory Coast Prime Minister Hamed Bakayoko...

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fanaanka qaadaha heesaha Reggae ee Alpha Blondy ayaa ka mid ahaa dadka u baroor diiqayey ra'isal wasaaraha oo 56 jir ugu dhintay cudurka kansarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka reer Koonfur Afrika oo u baroordiiqaya boqorkii qoomiyadda Zulu ee Goodwill Zwelithini oo todobaadkii hore dhintay isaga oo 72 jir ah.