Daadad khasaare baaxadleh gaystay oo ku dhuftay Maraykanka

Nebraska ayay daadadku aad u saameeyeen

Xigashada Sawirka, Nebraska DOT

Qoraalka sawirka, Nebraska ayay daadadku aad u saameeyeen
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Baraf dhalaalay iyo roobab mahiigaanno ah oo ka da'ay gobollo Maraykanka ku yaalla ayaa horseeday daadad keenay in kumannaan daadgurayn la sameeyo.

Saddex ruux ayaa dhimatay kuwaas oo uu ka mid yahay nin ay saraakiishu sheegeen in uu isku dayayay in uu dad uusan aqoonin ka badbaadiyo qabawga daran iyo daadadka.

Daadadkan ayaa taariikh cusub ka sameeyay ugu yaraan shan gobol waxayna horseeden in xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqo.

Bulshooyin dhawr ah ayaa go'doonsan oon caawimaad dibadda ah helin.

Arrintan ayaa daba socotay duufaan xoog badan oo ku dhufatay Maraykanka toddobaadkii hore.

Baraf

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Baraf

Madaxweyne Trump ayaa daadadka ku tilmaamay mid "dhibaato baaxad leh gaystay" wuxuuna sheegay in Aqalka Cad uu si dhaw xiriir ula samayn doono masuuliyiinta gobollada.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Malaayiin ruux oo Maraykan ah oo ku kala nool Iowa, Nebraska, Wisconsin, Minnesota iyo South Dakota ayaa toddobaadkii hore la kulmay baraf iyo cimilo aad u qabaw.

Baraf xiray waddo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Baraf xiray waddo

Tony Evers oo ah gafarnatooraha Wisconsin ayaa sheegay in "cimilada kulul iyo roobabkii da'ayay maalmihii u dambeeyay ay sababeen in barafku dhalaalo arrintaasna ay horseedday in ay daadad yimaadaan, joogga biyaha wabiyaduna ay sare u kacaan.

Wabiga Missouri River ayaa gaaray jooggii ugu sarreeyay taariikhda, Iowa iyo Nebraska ayayna ku dhufteen daadadkii ugu darnaa.

Saldhigga ciidammada cirka ee Offutt Air Force Base iyo agagaarkiisa ayay daadadku saameeyeen.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Saldhigga ciidammada cirka ee Offutt Air Force Base iyo agagaarkiisa ayay daadadku saameeyeen.