Afartan iyo siddeed ruux oo lagu dilay xarun waxbarasho Afghanistan ku taalla

Xigashada Sawirka, Reuters
Afartan iyo sideed ruux ayaa lagu dilay 67 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax lagu qaaday xarun waxbarasho oo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Booliisku waxay sheegeen in qofka arrintan ka dambeeyay uu galay xarunta oo waxbarashadu ka socoto ka dibna qarxiyay miinadii uu suun ahaanta u qabay.
Dadka dhintay badankood da'doodu waxay ka hoosaysay labaatan sano, waxayna halkaas u joogeen in ay xoojiyaan aqoontooda si ay ugu diyaargaroobaan imtixaanka jaamacadda lagu galo.
Gobolka Baghlan ee waqooyiga ku yaallana weerar ka dhacay ayaa lagu dilay ugu yaraan sagaal askari oo booliis ah iyo 35 ka mid ah milatariga, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Xigashada Sawirka, EPA
Malayshiyada Taliban ayaa diiday masuuliyadda weerarka magaalada Kabul, aaga uu ka dhacay weerarkaasina waxaa ku badan Shiicada.
Shiicada ku nool Afghanistan ayaa la sheegaa in ay bartilmaameed u noqdeen kooxda xagjirka ah Dawladda Islaamka la baxday, taas oo Shiicada u arafta in aysan dariiqii saxda ahaa ku taagnayn.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isla maalinkan Taalibaan ayaa sheegtay in aysan marinada ay awoodda ku leeyihiin u ogolaandoonin hay'adda Laanqayrta Cas, ka dib markii uu muran ka dhashay sida ay ula macaamilaan maxaabiista kaga jira jeelasha Kabul.







