Abiy Axmed wuxuu hor yimid baarlamaanka, waxaana loo dhaariyey inuu noqdo ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee federaalka Itoobiya, todobaad ka dib markii loo doortay guddoomiyenimada xisbul-xaakimlka EPRDF. Khudbadiisii ugu horreysay ee 36ka daqiiqo socotay ayuu ku codsaday midnimo, wuxuuna tilmaamay isbeddello uu qaadi doono.






