Sawirro: Todobaadkii tagay iyo Afrika

Xulka sawirradii ugu fiicnaa qaaradda Afrika todbaadkii tagay.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Talaadadii, waxay ahayd maalintii labaad ee codbixinta doorashada madaxtinnimada Masar. Haweeeneydan ayaa hoos taagan calanka dalkaasi duleedka caasimada Qaahira

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa isla Taladadii, wuxuuna ninkan ag taagan yahay boor uu ku sawiran yahay madaxweyne Sisi, waxaana wehliyo qoraal oranayo '' Dhaqaaq oo codee"...

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciidammo dheeraad ah ayaa la geeyay goobaha codbixinta. Hoggaamiyayaasha mucaaradka qaar ka mid ah ayaa isaga baxay doorasahada halka kuwa kalana laga hor istaagay codeynta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhinaca kale ee qaaaradda, waxay dadkan ku dabbaaldagayaan dibedda maxkamadda sare ee dalka Sierra Leone ka dib markii ay maxkamadda amar ku bixisay in doorashada ku celiska ah ee madaxtinnimada la qabtaa Sabtida sida markii horaba qorshuhu ahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Codbixiyayaasha ayaa malaha ka war dhowraya waxa musharrixiintan ay ka qaban karaan dhaqaalaha dalkaasi, oo xaalad daran ku jira. Haweeyndan saboolka ah waxay wax qiimo leh ka baadigoobeysaa qashin lagu daadiyay duleedka caasimadda Freetown.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciyaara dhaqameed lagu soo bandhigay xafladii sogootinta madaxweynaha dalka Botswana Seretse Ian Khama oo Sabtida xilka baneynayn doono

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Arbacadii siyaasigan, Xasan Ayariga ayaa faras ku dhexmaray caasimadda Ghana ee Accra, isagoo ka careysan wararka sheegayay in milatariga Mareykanka ay saldhig ka sameysanayaan dalkaasi

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Gabadhahan waxay ka tirsan yihiin ciyaartoyda koxdii ugu horreysay ee kubadda cagta oo ka kooban haween oo kali ah oo Muqdisho dhawaan lag aasaaasay. Waxay tababar ku qaadanayeen garoonka Toyo ee magaalada Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boor badan oo ka kacay caaasimadda Sudan ee Khartuum ayaa ku khasbay dowladda inay baajiso duulimaadyo dhowr ah, iyo xiritaanka qaar ka mid ah iskuulada caasimadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khamiistii qarax loo adeegsaday dhugdhugley ayaa ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taalla caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isla maalinkaas ,magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, caruurr iskuuley ah ayaa sugayay inay salaamaan madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob oo dalkaas booqasho ku joogay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ugu dambeyntiina wiilashan ku sugan Koonfurta Saxaraha Morocco ayaa ciyaarayay kubadda cagta maalinta caalamiga ah ee dabbaaldegga reer guuraaga oo toobaadkan ku beegnayd.

Sawirrada waxaan ka soo xiganay AFP, Reuters, EPA iyo Getty Images.