Xildhibaan lagu weeraray magaalada Kabul
Xigashada Sawirka, EPA
Weerar bam loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta u ah dalka Afghanistan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in weerarku uu ahaa bam wadada hareertiisa la dhigay kaas oo lagu bartilmaameedsaday gaadhi uu saarnaa Fakuri Beheshti oo ah xildhibaan.
Xildhibaanka iyo shan ruux oo kale oo la socotay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.
Lama oga cidda ka dambaysay weerarkan.
Todobaadkii hore xildhibaan kale oo reer Afghanistan ah ayaa qarax lagu bartilmaameed saday waxaana ku dhintay todobo ruux.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}