Diyaarad Pakistan leedahay oo dhacday
Xigashada Sawirka, AFP
Diyaarad ay leedahay Pakistan International Airlines oo ay saaran yihiin in ka badan afartan qof ayaa ku dhacday waqooyiga waddanka sida ay sheegeen warfaafinta gudaha.
Ciidamada ayaa ka helay 21 mayd meeshii ay diyaaradda ku dhacday, sida ay sheegtay war ka soo baxay milatariga.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dalka, waxaa laga waayey raadeerka wax yar kadib markii ay ka duushay degmada Chitral ee buuraha ah, waxayna u socotay magaalada Islamabad.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}