Drogba oo ka tagaya kooxda Montreal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Didier Drogba ayaa ka tagi doona kooxda Montreal dhamaadka xilli ciyareedka koobka MLS.
38 jirkan ayaa saxafiyiinnta u sheegay in uu dheelay ciyaartiisii u dambaysay ee kooxdiisu ku yeelato garoonkeeda kad dib markii 3-2 ay kaga badiyeen Toronto FC
Dhaliyihii hore ee kooxda Chelsea ayaa ciyaartaas badal ku soogalay daqiiqaddii 71-baad, waxaana daawanayay 61,000 oo taageere.
Billawgii ciyaarta ayaa dib loo dhigay 30 daqiiqo ka dib markii la ogaaday in ay dhuudhuuban yihiin diilimaha 18-ka.
Diilimaha cadcad ayaana dib loo calaamadeeyay, taageerayaasha ayaana sacabaynayay intii hawshah la wday.
Drogba oo u soo dheeli jiray qarankiisa Ivory Coast ayaa Montreal kaga soo biiray kooxda Chelsea, intii uu kooxdiisan la joogayna wuxuun dhaliyay 27 gool isaga oo dheelay 33 ciyarood.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo