Sawiro: Qaar kamid ah xaafadaha iyo qabuuraha magaalada Gaalkacyo oo isku badalay biyo galeen

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara

Qoraalka sawirka, Waa qayb kamid ah xaafadaha waqooyiga Galkacyo oo ay biyo dhex fahiyaan.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara

Qoraalka sawirka, Inta badan suuqyada magaalada ayaa xiran, gawaarida ayaan iyana dhex mari karin biyaha fadhiya wadooyinka oo xoogan dartood.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara

Qoraalka sawirka, Dadka qaar ayaa isku dayaya inay wali ku sugnaadaan guryahooda, iyaga oo dex lugeynaya biyaha.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara

Qoraalka sawirka, Guryaha qaar ayay isaga guureen dadkii daganaa, kadib markii biyo xoogan usoo galeen.

Xigashada Sawirka, Saciid Nadaara

Qoraalka sawirka, Qabuurihii hore ee Gaalkacyo oo ay biyo dhex fadhiyaan - inta badan biyahaan daadka ah ayaa ka soo rogmaday dooxooyinka banaanka ka ah magaalada.