Shanta caqabadood ee waaweyn ee horyaalla wada xaajoodayaasha Maraykanka iyo Iiraan si wadahadallada loo sii wado
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
- Author, Paul Adams
- Role, Weriyaha arrimaha diblomaasiyadda BBC
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Daqiiqado ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee uu Trump qabtay iyo hanjabaad aan horay loo arag oo ah in la baabi'inayo "ilbaxnimada" Iiraan, ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku dhawaaqay in xabbad joojin laba toddobaad ah lagu heshiiyay in la joojiyo dagaalka.
Dhexdhexaadiyaha oo ah Pakistan, ayaa ku martigelin doona wadaxaajoodayaasha Maraykanka iyo Iiraan magaalada Islamabad, wadahadallo, laga yaabo in la bilaabo Jimcaha.
Arrimo badan ayaan weli aan la xallin, oo ay ugu horreeyaan aasaaska wada xaajoodka.
Qoraal uu soo dhigay Truth Social ayuu Trump ku sheegay in Mareykanka uu Iiraan ka helay soo jeedin ka kooban 10 qodob, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay "saldhig macquul ah oo lagu wadahadli karo".
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araghchi ayaa sidoo kale xusay soo jeedinta Mareykanka ee ka kooban 15ka qodob ee ah, sida ay qabaan wada xaajoodyada sare ee Trump, in ay soo afjari karto khilaafka.
Labada hindise midkoodna si rasmi ah looma soo bandhigin, inkasta oo nuqullo ka mid ah labadoodaba la faafiyey oo la daabacay, kuwaas oo u muuqda in ay si weyn uga duwan yihiin dhinac kasta waxa uu filayo.
Waxa kale oo jaahwareerka sii kordhinaya caradii uu Aqalka Cad ku adkaystay in qorshaha Iiraan ee warbaahinta lagaga hadlay aanu ahayn qaabkii ay masuuliyiinta Maraykanku heleen.
"Faahfaahino badan ayaan si buuxda u caddayn," sida uu BBC u sheegay Anwar Gargash oo ah la taliyaha sare ee dublamaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta.
"Waxaa jira hadalo iska soo horjeeda oo ka imaanaya Iiraan, Washington, iyo dhexdhexaadiyaha oo ah Pakistan," ayuu raaciyay.
"Sidaa darteed, waxaan u baahanahay inaan is waafajinno tafaasiisha oraahyadan oo aan si sax ah u fahanno wadada loo marayo".
Maxay yihiin qaar ka mid ah arrimaha la isku hayo ee xuddunta u ah khilaafka?
1. Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Eedeynta ah in Iiraan ay dardargelineyso horumarinta hubka Nukliyeerka ayaa mar walba lagu tilmaamaa inay tahay sababta ugu weyn ee Washington ay u galayso dagaalka, inkastoo ay Tehran marar badan beenisay.
Ugu yaraan si cad, saraakiisha Maraykanku waxay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in khasaarihii ka dhashay dagaalkii 12-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo duqeymaha hadda socda ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku filan yihiin in ay Iiraan waqti dheer ku qaadato dib u dhiska barnaamijka nukliyeerka ee khatarta leh.
Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa weli ka jira qiyaasta 440 kg ee uranium-ka aadka loo xoojiyey ee Iiraan ay weli haysato.
Uranium-ka oo uu Trump inta badan ugu yeero " habaaska ", ayaa la rumeysan yahay in lagu hoos xabaalay burburka Xarunta Cilmi-baarista iyo Tignoolajiyada Nukliyeerka ee Iiraan ee Isfahan, ka dib weerarradii ba'naa ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta.
"Habaaskeeda ayaa si qoto dheer u aasay, waxaana la ilaaliyaa 24 saacadood maalintii," Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa u sheegay suxufiyiinta Arbacadii.
"Ma jiri doono hub nukliyeer ah oo Iiraan leedahay. Khalaas. Waa dhamaadka sheekada".
Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in heshiis kasta oo mustaqbalka ah uu aqbalo xaqa ay u leedahay in la tayeeyo Uranium-ka si waafaqsan isticmaalka rayidka ah, sida uu dhigayo heshiiska Nukliyeerka ee NPT.
Cumaan oo dhexdhexaadin ka dhex waday labada dhinac wax yar ka hor intii uusan dagaalku dhicin ayaa sheegtay in heshiis wax ku ool ah miiska saarnaa.
Maraykanku haddaba ma yeeli doonaa inuu ogolaado nooc kasta oo tayeynta ah?
Qorshaha Madaxweyne Trump oo ka kooban 15 qodob ayaa la sheegay in ay ku jireen dhowr shuruudood oo muhiim ah: in Iiraan ay burburiso dhammaan xarumaha waaweyn ee Nukliyeerka, in ay joojiso tayeynta Uranium-ka ee dhulka Iiraan, in kaydkeeda Yuraaniyaamta la tayeeyey laga saaro dalka, iyo in ay aqbasho kormeero caalami ah.
Laakiin markii si toos ah wax looga weydiiyay, Pete Hegseth wuxuu si fudud u sheegay in Iiraan "aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah ama awood ay ku horumariso". Taas oo ah jawaab waxooga ka yara duwan arrinka.
2. Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan
Xigashada Sawirka, AFP
Qodob kale ayaa dhigaya Iiraan waa in ay joojisaa horumarinta gantaallada ballistic-ga, joojisaa soo saarista gantaallada riddada dheer, iyo in ay joojiso u wareejinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dhoofinta dagaallada gacanta seddexaad ah iyo xulafada Bariga Dhexe.
Waxa qayb ka ah qiil ay Washington u bixisay in ay dagaal gasho waxa ay ahayd in barnaamijka gantaalaha Iiraan ee horumaray uu dalka siiyay dallad difaaceed oo barnaamijkeeda Nukliyeerka uu ku sii socon karo.
Pentagon-ka ayaa aaminsan in dalladaas inteeda badan ay hadda burburtay.
General Dan Caine, oo ah madaxa ciidamada ee Mareykanka ayaa sheegay in 80% xarumaha gantaalada Iiraan la burburiyay, oo ay la socdaan 80% nidaamka difaaca hawada iyo 90% warshadaheeda hubka.
Iiraan ayaa horey u diiday inay ka hadasho xadka barnaamijkeeda gantaalada balaastikada ah.
Xaaladuhu way is beddeleen, waxaana la arki doonaa in Tehran ay doonayso inay aqbasho xannibaadaha gantaallada iyo barnaamijyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qayb ka ah heshiiska muddada dheer ee Maraykanka.
3. Marinka Hormuz
Guulaha ugu waaweyn ee Iiraan ay gaartay marka laga soo tago badbaadada nidaamka jamhuuriyada islaamiga ah waxaa ka mid ah in ay awood u leedahay in ay xakameyso isu socodka maraakiibta isaga kala gooshta mid ka mid ah marinada badda ee ugu muhiimsan caalamka.
Rabitaanka muuqata ee Iiraan ee ah in ay dib u furto marin biyoodka Hormuz ayaa soo jeedinaya in qaar ka mid ah cadaadisyadii saameeyay dhaqaalaha caalamka bishii la soo dhaafay laga yaabo inay bilaabaan inay fududaadaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Araghchi ayaa sheegay in marin ammaan ah ay suurtagal noqon doonto labada toddobaad ee soo socda, iyadoo la kaashanayo ciidamada qalabka sida ee Iiraan, lana tixgelinayo, waa sida uu u dhigay erayadiisee, caqabadaha xagga farsamada.
Tan iyo bilowgii dagaalka, Iiraan waxa ay muujisay rabitaankeeda ah in ay ku soo rogto sharciyo cusub oo ku saabsan gaadiidka maraya marin biyoodka.
Warbaahinta qaar ayaa soo jeedinaysa in qorshaha Tehraan uu ku jiro in markabkiiba laga qaado khidmadaha socdaalka ilaa 2 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo dakhliga ka soo xarooda loo kala qaybin doono Iiraan iyo Cumaan oo ah labada dal ee xuduudka la leh marin biyoodka Hormuz.
Waddamada Gacanka Beershiya ee sidaalkooda mariya marin-biyoodka, tani waa wax aan la aqbali karin.
"Gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin," Anwar Gargash ayaa u sheegay BBC-da, isaga oo ku tilmaamay arrin khatar ku ah goobaha kale ee muhiimka ah ee istaraatiijiga ah ee caalamka.
"Waxaan u maleynayaa in tani ay noqon doonto mid aad khatar u ah. Umana maleynayo inay ugu dambeyntii guuleysan doonto".
Donald Trump uma eka in uu meesha ka saaray fikradda ah in Tehran uu ku soo dallaco lacago, wuxuuna xitaa u soo jeediyay ABC News in Mareykanka iyo Iiraan ay si shuraako ah (joint venture) u maareyn karaan marinkaas.
Saraakiisha dowladda ayaa ku adkeysanaya in maadaama Mareykanka uu aad ugu tiirsan yahay shidaalka ka yimaada Gacanka Beershiya ay tahay in dalalka kale ay hormuud ka noqdaan xallinta mushkiladda marin-biyoodka Hormuz.
Todobaadki hore ayaa UK waxa ay shir guddoomisay kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 40 dowladood oo ku saabsan sidii loo furi lahaa marin biyoodka Hormuz, waxaana dhammaan ka qeyb galayaasha ay isku raaceen in marka hore dagaalka la joojiyo.
Iyadoo ay furan tahay laba toddobaad oo fursad ah, wadahadalladaas waxay yeelan karaan dardar.
"Waan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno qaybaha maraakiibta, ceymiska iyo tamarta" ayay tiri xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Yvette Cooper, qoraal ay soo saartay oo ay ku soo dhaweysay xabbad joojinta.
4. Lubnaan qayb ma ka tahay heshiiska xabbad joojinta?
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay in dagaalka uu hakad ku jiro, wuxuuna sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay "ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah meel kasta, taasoo ay ku jiraan Lubnaan iyo meelo kale".
Iiraan waxa ay ku adkaysanaysaa joojinta dagaalka dhinac kasta ah, oo ay ku jiraan iska caabinta Lubnaan, iyada oo ula jeeda xulafada Shiicada ah ee Xisbullah. Laakiin Israa'iil ma qabto aragtidan.
Xukuumadda ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu hadalkeedu wuxuu ahaa mid aan mugdi ku jirin. "Xabbad joojinta labada toddobaad kuma jirtoLubnaan" ayuu yiri.
Iyada oo tiro badan oo askarta Israa'iil ah ay ka hawlgalaan gudaha Lubnaan, wasiirka gaashaandhigga Israel Katz-na uu ka hadlayo burburinta tuulooyinka xudduudaha ee isla naxariista darradii lagu arkay marinka Gaza oo kale lagu burburinayo, ayaa waxaa jira calaamado yar oo muujinaya in dagaalkani uu joogsan doono.
Waqtigan xaadirka ah Donald Trump wuxuu u muuqdaa inuu la dhacsan yahay mowqifka dowladda Israa'iil.
Lubnaan ayaan heshiiska qayb ka ahayn "sabatoo ah ururka Xisbullah" ayuu madaxweynaha Maraykanka u sheegay PBS Liz Landers, isaga oo intaa ku daray in dagaalka Lubnaan uu yahay " iska horimaad gooni ah".
5. Hadalkii Trump
Donald Trump qaabkiisa hoggaamineed ee qaska leh iyo hab-dhaqanka aan la saadaalin karin ayaa qayb ka ah qaabka hawlgalkiisa .
Taageerayaashiisu waxay jecel yihiin "aragtidiisa waallida ku dhisan" ee awoodda ay u leh inay jahawareeriso kuwa ka soo horjeeda oo ay ku gaaraan guulo aan hore loo malayn karin.
In kasta oo uu ku guulaysan karay xabbadjoojin isagoo hanjabaya, haddana dagaalka Iiraan ayaa tijaabiyay qaabkiisa gaarka ah.
Laga soo bilaabo ujeedooyinka isbedbeddelka ah ee dagaalka ilaa digniintiisa ahayd inuu wax halligayo ayaa dagaalku wuxuu khatar geliyey inuu wiiqi doono awoodda Trump halkii uu xoojin lahaa.
Madaxweynuhu wuxuu muujiyay inuu awood u leeyahay inuu bilaabo dagaal, laakiin hadda ma leeyahay dabeecad uu ku soo afjaro?
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo