Labo warshadood oo waaweyn oo ku yaala Iiraan oo la xiray duqeymaha socda aawgood

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Labada warshadood ee birta ugu waaweyn Iiraan ayaa la xiray.

Warshadahan ayaa albaabada loo laabay kadib dhowr jeer oo duqeymo cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa'iil, sida ay sheegeen shirkadaha gacanta ku haya.

"Qiyaasteenna bilowga ah waxay tahay in dib u bilaabista cutubyadan ay qaadan doonto ugu yaraan lix bilood iyo ilaa hal sano," ayuu yiri Mehran Pakbin, oo ah ku xigeenka madaxa hawlgallada ee Shirkadda Birta Khuzestan ee koonfur-galbeed Iiraan, iyadoo ay soo xigatay warbaahinta Iiraan.

Shirkadda Mobarakeh Steel Company, waxay sheegtay in khadadka wax soo saarka ee bartamaha dalka "gebi ahaanba la xiray ka dib weerarradii tirada badnaa".

Weerarradan oo warbaahinta Israa'iil iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ay sheegeen, in markii ugu horreysay ay Israa'iil bilowday iyadoo la kaashanaysa Mareykanka Jimcihii hore, isla markaana ay waxyeello weyn u geysan karaan dhaqaalaha Iiraan.

Iiraan waa dalka 10-aad ee ugu soo saarista badan birta adduunka, sida laga soo xigtay xogta Ururka Birta Adduunka. Marka laga soo tago isticmaalka birta gudaha ee dhismaha iyo wax soo saarka, waxay agabyada kala duwan u dhoofisaa adduunka oo dhan.

Hakad ku yimaada wax soo saarka, waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa silsiladaha sahayda iyo ganacsiyada dalka oo dhan, kuwaas oo sannado badan ay saameyn ku yeesheen cunaqabataynta guud ee reer Galbeedka.

BBC-da ayaa la xiriirtay Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) iyo Taliska Dhexe ee Milatariga Mareykanka (Centcom) si ay faallo uga bixiyaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cbbas Araghchi, ayaa Jimcihii ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada: "Israa'iil waxay duqeysay laba ka mid ah warshadaha birta ugu waaweyn Iiraan, warshad koronto iyo goobo nukliyeer oo rayid ah iyo kaabayaasha kale. Israa'iil waxay sheegtay inay weerarkan kala shaqeysay Mareykanka."

Warbaahinta Israa'iil ayaa ku waramay in ilo ka tirsan amniga Israa'iil ay sheegeen, in duqeymaha la filayo inay waxyeello u geystaan balaayiin doolar oo dhaqaalaha Iiraan ah, iyo in warshadaha birta ah ay xiriir la leeyihiin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

IRGC waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay xarumaha birta iyo aluminiumka ee xirriirka la leh Mareykanka ee ku yaal dalalka Khaliijka si ay uga jawaabto.

Khamiistii, militariga Israa'iil ayaa soo sheegay dhowr weerar oo gantaallo cusub ah oo ka uga imanaya Iiraan, halka Imaaraadka Carabta uu sheegay, in ciidankiisu "ay qabten" 19 gantaal iyo 26 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga soo riday Iiraan.

Ciidamada kacaanka Iiraan, waxay sidoo kale bartilmaameedseen xarunta kumbiyuutarrada Amazon oo ku taala dalka Baxrayn, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.

Ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ayaa u muuqda inay weerar ku qaadayeen bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaal Iiraan toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, ay Arbacadii sheegeen in Mareykanku uu Iiraan "dib ugu soo celin doono waagii dhagaxa ahaa".

Hdalladan ayaa walaac ku abuuray Iiraaniyiinta - xitaa kuwa taageersan faragelinta Mareykanka iyo Israa'iil ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah - in baaxadda weerarku sii ballaranayo.

Waxaa sidoo kale jiray weeraro lagu qaaday xarumaha caafimaadka la xiriira, iyadoo afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Iiraan uu Khamiistii xaqiijiyay in xarun cilmi-baaris caafimaad oo ku taal Tehran - Machadka Pasteur ee Iiraan - la weeraray 23-kii Maarso.

Afhayeenku wuxuu ku tilmaamay "weerar toos ah oo lagu qaaday amniga caafimaadka caalamiga ah" wuxuuna sheegay inay jebisay Heshiisyadii Geneva.

Talaadadii, dowladda Iiraan waxay sheegtay in weerar lagu qaaday mid ka mid ah shirkadaha dawooyinka ugu waaweyn Iiraan - Shirkadda Cilmi-baarista iyo Injineerinka Tofigh Daru - oo soo saarta daawooyinka suuxdinta iyo kansarka.

Dhanka kale, Khamiistii, buundo weyn oo isku xirta caasimadda Tehran iyo magaalada u dhow ee Karaj ayaa waxaa ku dhacay duqeymo cirka ah, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars oo ah mid rasmi ah oo Iiraan laga leeyahay. Laba qof ayaa ku dhintay, ku dhowaad 100 way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ku xigeenka amniga ee xafiiska guddoomiyaha Alborz.