Dal Yurub ku yaalla oo hawadiisa u diiday dayaaradaha Maraykanka ee qaybta ka ah dagaalka Iiraan

Xigashada Sawirka, Joan Valls/Urbanandsport/NurPhoto via Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Spain ayaa hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya weerarada Iiraan, sida ay sheegtay wasiirka difaaca Madrid oo la yiraahdo Margarita Robles.

"Ma ogolaan doonno adeegsiga saldhigyada militariga ee Morón iyo Rota fal kasta oo la xiriira dagaalka Iiraan," ayay tiri, iyadoo raacisay in Spain "ay tan si cad ugu sheegtay dowladda Mareykanka bilowgii hore".

Wasiirka arrimaha dibadda José Manuel Albares ayaa sheegay in ujeedada go'aanka ay tahay "inaan la samayn wax kasta oo dhiirigelin kara sii hurinta dagaalkan".

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay in millatariga Maraykanku ay "gaareen ama dhaafeen dhammaan hadafyadii ay ka lahaayeen hawlgalka Epic Fury oo aanay u baahnayn caawimo ay ka helaan Spain iyo cid kale toona".

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu cunaqabateyn buuxda oo dhanka ganacsiga ah ku soo rogi doono dalka diidmada ay diidan yihiin dagaalka Iiraan awgeed.

Tan iyo bilowgii dagaalka dabayaaqadii bishii Febraayo ayaa Ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sánchez waxa uu ahaa mid ka mid ah dadka sida aadka ah uga soo horjeeda weerarada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, isaga oo ku sifeeyay kuwo "taxadir la'aan ah" oo "sharci darro ah".

Horaantii bishii Maarso, Sánchez wuxuu sheegay in Spain ay diiday adeegsiga Mareykanka ee labada saldhig ee sida wadajirka ah ay u maamulaan ee Rota iyo Morón, oo labaduba ku yaal Andalusia.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arbacadii la soo dhaafay ayaa wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in "dhammaan qorshayaasha duulimaadka ee ku lug lahaa falalka la xiriira howlgalka Iiraan la diiday - mid kasta oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa shidaalka hawada ku siiya dayaaradaha dagaalka."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan nahay dal madax banaan oo aan doonayn inuu ka qayb qaato dagaallo sharci darro ah" ayuu yiri.

Qaar ka mid ah dayaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka ee ku lugta leh howlgallada Iiraan ayaa ku sugan saldhigga ciidanka cirka ee Fairford ee ku yaalla Gloucestershire ee UK, ka dib markii Ra'iisul Wasaare Sir Keir Starmer uu ku dhawaaqay 1-dii Maarso in UK ay aqbashay codsiga uga yimid Mareykanka.

Diyaaradaha ka kacaya halkaas waxaa lagu qasbi doonaa in ay dhaafaan inta badan gacan biyoodka Iberia – oo markaa ka dib ay dul haadaan bariga Atlantigga ama Faransiiska.

Wargeyska Isbaanishka ee El País ayaa sheegay in diyaaraduhu ay awood u leeyihiin inay sii maraan hawada Spain ama ay ku degi karaan saldhigyada kaliya haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.

Qudbad socotay 10-daqiiqo oo taleefishinka laga sii daayay 4-tii Maarso ayuu ra'iisul wasaaraha Spain kaga hadlay dagaalladii Ukraine iyo Gaza, iyo sidoo kale dagaalkii Ciraaq in ka badan 20 sano ka hor, wuxuuna sheegay in mowqifka dowladda Spain lagu soo koobi karo "dagaal maya".

Dabayaaqadii bishii Maarso, safaaradda Iiraan ee Spain waxay sheegtay in Tehran ay aqbali doonto codsiyada Madrid ee ku saabsan marin biyoodka Hormuz sababtoo ah Spain way "ka go'an tahay ku dhaqanka sharciga caalamiga ah" ayey tiri.

Qiyaastii boqolkiiba labaatan saliidda adduunku waxay si caadi ah u martaa marin-biyoodka ciriiriga ah ee u dhexeeya Iiraan iyo cirifka Jasiiradda Carabta.