Garsoore Trump ka diiday go'aan Soomaalida ku fuli lahaa toddobaadka soo socda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garsoore heer federaal ah oo ku sugan Boston ayaa Jimcihii si ku-meel-gaadh ah u joojisay qorshe ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayeen in toddobaadka soo socda lagu soo afjaro ilaalinta sharci ee u oggolaanaysay ku dhowaad 1,100 Soomaali ah inay ku noolaadaan oo ka shaqeeyaan dalka Maraykanka.
Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Allison Burroughs ayaa soo saartay amar dib u dhigaya taariikhda 17-ka March, oo ahayd maalinta ay waaxda arrimaha gudaha Maraykanku ee US Department of Homeland Security qorsheynaysay in lagu joojiyo qorshii ilaalinta soogalootiga Soomaalida ee ku meelgaadhka ahaa.
Burroughs, oo uu magacaabay madaxweynihii hore Barack Obama, ayaa sheegtay in cawaaqib "culus" ay ka dhalan karaan haddii aan si degdeg ah loo hakinin go'aanka lagu soo afjarayo TPS-ka Soomaalida inta dacwaddoodu socoto.
Garsooraha ayaa qortay:
"Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in haddii TPS-ka Soomaaliya la joojiyo, in in ka badan kun qof ay wajihi doonaan 'khataro daran oo culus', oo ay ku jiraan xabsi iyo masaafurin, oo gaadhsiisan waxyeello nafeed haddii lagu celiyo Somalia, iyo sida oo kale iyaga oo ka fogaanaya qoysaskooda."
Waxay si maamul ah u hakisay dhaqan-galka go'aankaas, waxayna dejisay jadwal ay ku go'aaminayso sida ugu dhakhsaha badan codsiga Soomaalida ee ah in la helo xannibaad muddo dheer ah oo ka dhan ah tallaabada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DHS.
Afhayeen u hadlay DHS ayaa amar-ka garsooraha ku tilmaamay:
"Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee garsoorayaal u dhaqmaya sidii diranayaal ama dadka u ololeeya xuquuqaha oo isku dayaya inay ka hor istaagaan madaxweyne Trump inuu dib u soo celiyo hufnaanta nidaamka socdaalka sharci ee Maraykanka."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Temporary Protected Status (TPS) waa nidaam bini'aadantinimo oo ka ilaaliya soogalootiga u qalma masaafurin, isla markaana u oggolaada inay shaqeeyaan. Intii uu Trump xilka hayay, DHS waxay qaaday tallaabooyin lagu joojinayo TPS-ka in ka badan 12 dal, taas oo dhalisay dacwado badan oo maxkamadeed.
Garsooraha Burroughs ayaa go'aankeeda soo saartay iyadoo maamulka Trump uu weli sugayo go'aan ka imanaya Maxakamadda sare ee US Supreme Court, kaas oo go'aamin doona in la qaado amarrada maxkamadaha hoose ee joojiyay qorshaha lagu soo afjarayo TPS-ka in ka badan 350,000 Haitian ah iyo ku dhowaad 6,000 Syrian ah.
Xoghayaha amniga gudaha ee xilka ka sii degaya Kristi Noem ayaa bishii January ku dhawaaqday in TPS-ka Soomaalida la joojin doono 17-ka March, iyadoo ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, inkastoo ay weli socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab.
Afar Soomaali ah iyo ururrada u dooda muhaajiriinta ee African Communities Together iyo Partnership for the Advancement of New Americans ayaa dacwad ka gudbiyay, iyagoo ku doodaya in go'aankaasi uu ahaa mid habraac ahaan khaldan oo ay ka dambaysay ajande hore loo sii qorsheeyay oo takoor ku salaysan.
Waxay sheegeen in maamulka Trump uu joojinayo TPS-ka Soomaalida iyo dalal kale sababo la xidhiidha eex ka dhan ah muhaajiriinta aan caddaanka ahayn, halkii ay ka ahaan lahayd qiimeyn dhab ah oo ku saabsan xaaladaha dalalkaas. Waxay sidoo kale xuseen hadallo hore oo Trump ku sheegay Soomaalida "khashin" iyo "dad garaadkoodu hooseeyo."
Agaasimaha fulinta ee ururka Partnership for the Advancement of New Americans, Ramla Sahid, ayaa sheegtay in amarka maxkamaddu uu ka dhigan yahay in inta dacwadda socoto:
"bulsho dhan oo sharafteeda iyo dareenkooda lahaansho ay la kulmeen weerarro cunsuriyadeed iyo cadaalad-darro ah ay hadda neefsan karaan oo heli karaan wax yar oo nafisaad."













