Trump oo noqoya madaxweynihii ugu horreeyey oo saxiixiisa ka muuqdo lacagta doollarka

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Saxiixa Trump ayaa kasoo muuqanaya lacagta Maraykanka, taas oo soo afjareysa dhaqan la isticmaalayey 165 sano.

Lacagta waraaqaha ah ee Maraykanka laga isticmaalo ayuu kasoo muuqan doonaa saxiixa Donald Trump laga bilaabo xagaaga sanadkaan, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay ee madaxweyne xil haya uu saxiixiiso lacagta Mareykanka, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Khamiistii.

Lacagaha dib loo naqshadeeyay, oo la qorsheeyay in lagu xuso sanad-guuradii 250-aad ee madaxbannaanida Mareykanka, waxay sidoo kale markii ugu horreysay muddo 165 sano ah ka tagayaan saxiixa khasnajiga Mareykanka, kaas oo ka warbixiya xoghayaha Maaliyadda isla markaana kormeera Xafiiska Daabacaadda. Mareykanka iyo hawlo kale oo Maaliyadeed.

Lacagihii ugu horreeyay ee $100 ah ee wata saxiixa Trump iyo kan Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa la daabici doonaa bisha Juun, waxaana xigi doona la in la saaro dhammaan lacaha dhiman, kuwaas oo qaadan karan dhawr todobaad kadib. Wasaaradda Maaliyaddu wali waxay soo saareysaa lacag leh saxiixa xoghayihii Maaliyadda ee madaxweynihii hore Joe Biden, Janet Yellen, iyo khasnad hayii hore Lynn Malerba.

Malerba waxay noqon doontaa qofkii ugu dambeeyay ama khasjanigii ugu dambeeyey saxiixyadoodu ku jireen lacagta federaalka Mareykanka tan iyo 1861, markaas oo dowladda Mareykanku markii ugu horreysay soo saartay lacagtan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump

Isbeddelka saxiixa waa tallaabadii ugu dambeesay ee maamulka Trump iyo kooxdiisu ku doonayaan inay magaca madaxweynaha ku qoraan meelo muhiim ah sida dhismayaal, hay'ado, barnaamijyo dowladeed, maraakiib dagaal iyo lacago. Guddi farshaxan oo federaal ah oo Trump magacaabay ayaa toddobaadkii hore ansixiyay naqshadda lacag dahab ah oo xusuus ah oo uu ku yaallo sawirka Trump.

Bessent ayaa bayaan ku sheegay in tallaabadan ay ku habboon tahay sanad-guurada 250-aad ee Mareykanka, isagoo tilmaamay koboc dhaqaale oo xooggan iyo xasillooni maaliyadeed in la gaaray intii uu xilka hayey Madaxweyne Trump, gaar ahaan muddo xillieedkiisan dambe. "Ma jiro hab ka awood badan oo lagu aqoonsado guulaha taariikhiga ah ee dalkeenna weyn iyo Madaxweyne Donald J. Trump marka loo eego in lacagta doolarka Mareykanka ay qaado magaciisa," ayuu yiri.

Waxaa kale oo jiray dedaallo lagu doonayey in lagu sameeyo lacago uu Trump ku sawiran yahay balse waxaa taas hor istaagay sharciyo mamnuucaya in dadka nool lagu sawiro lacagta Mareykanka.

Sharciga lagu xakameeyo daabacaadda lacagaha Federal Reserve ayaa siinaya Wasaaradda Maaliyadda awood ballaaran oo ay ku beddesho naqshadaha si looga hortago been-abuurka.

Sharcigu wuxuu farayaa in la ilaaliyo qaar ka mid ah astaamaha, oo ay ku jiraan erayada "In God We Trust," wuxuuna oggol yahay oo keliya sawirrada dadka geeriyooday. Naqshadaha guud ee lacagaha isma beddeli doonaan, marka laga reebo in saxiixa Trump uu beddelo kan khasnajiga, sida ay sheegeen saraakiisha Maaliyadda.

Kuwii ka horreeyay, Jovita Carranza, oo Trump lasoo sheeqeesay wareeggii hore ayaa arrintaan ku tilmaantay isbeddel iyo "astaan xooggan oo muujinaysa hormarka Mareykanka, awoodda ganacsiga xorta ah."

Khasnajiga hadda, Brandon Beach, oo magaciisu uusan wali ka muuqan lacagta, ayaa sidoo kale taageeray, isagoo sheegay in Trump uu yahay naqshadeeyaha "dib u soo nooleynta dhaqaale ee dahabiga ah."