Sidee buu heerka kolestaroolka jirkaaga isu beddelaa xilliga soonka?

Khudrad iyo cunnooyin kala duwan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Kadib saacado dheer oo soon ah inta lagu jiro bisha Ramadaan, waqtiga la maqlo aadaanka salaadda Maqrib wuxuu isu beddelaa daqiiqad farxad leh oo cuntada lagu dabaaldego.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah caadooyinka cunno iyo isbeddelka hab-nololeedka inta lagu jiro bishan waxay keeni karaan caqabado caafimaad oo qarsoon oo dad badani aysan dareemin. Xaaladahan dhexdeeda, arrin adag ayaa si aamusnaan ah ugu dhex milmi karta jirka, waxayna si tartiib ah ugu ururi kartaa halbowlayaasha, iyadoo aan bixin wax digniin cad ah, ilaa ay noqoto khatar aamusan oo ku wajahan caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Waa kolestaroolka — walax dufan leh oo jirku aanu ka maarmi karin, maadaama ay muhiim u tahay qaar ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee jirka, balse waa in lagu hayaa xad caadi ah. Si kastaba ha ahaatee, walaxdan muhiimka ah waxay leedahay laba dhinac: mid waa ilaaliye wadnaha, maadaama ay ka caawiso nadiifinta halbowlayaasha iyo ka saarista dufanka ku urura; dhinaca kalena waxay noqon kartaa marti culus oo si tartiib ah ugu ururta darbiyada xididdada dhiigga, taasoo ciriiri gelisa kana khatar gelisa caafimaadka wadnaha.

Kolestarool waxaa lagu qeexaa inuu yahay walax dufan leh oo u eg shamac (waxy) oo laga helo dhiigga, isla markaana si dabiici ah uu beerku u soo saaro. Waxay ka mid tahay xuubka dibadda ee dhammaan unugyada jirka, waxaana loo adeegsadaa soo saarista fiitamiin D iyo hormoonnada steroid-ka ah ee ka caawiya ilaalinta caafimaadka lafaha, ilkaha, iyo murqaha.

Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa soo saarista dheecaanka bile-ka, kaas oo ka caawiya dheef-shiidka dufanka ku jira cuntada aan cunno. Sidaas waxaa lagu sheegay hay'adda British Heart Foundation, oo ah hay'adda ugu weyn ee maalgelisa cilmi-baarista cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ee dalka UK, isla markaana bixisa macluumaad guud oo caafimaad oo ku saabsan arrimaha kordhiya khatarta cudurrada wadnaha, oo uu ku jiro kolestaroolka.

Marka laga hadlayo shaqadiisa, Machadka Wadnaha, Sambabada iyo Dhiigga ee Maraykanka (National Heart, Lung, and Blood Institute) wuxuu sharxayaa in dhiiggu kolestaroolka ugu qaado jirka oo dhan isagoo adeegsanaya borotiinno loo yaqaan lipoproteins.

Machadku wuxuu caddeynayaa in ay jiraan laba nooc oo waaweyn:

High-density lipoproteins (HDL): Kuwani waxay qaadaan kolestaroolka xad-dhaafka ah oo u gudbiyaan beerka si dib loogu warshadeeyo loona saaro iyada oo loo marayo dheecaanka bile-ka. Tan waxaa badanaa loo yaqaan "kolestaroolka wanaagsan", sababtoo ah waxay ka saartaa kolestaroolka dhiigga.

Low-density lipoproteins (LDL): Kuwani waxay kolestaroolka ka qaadaan beerka oo u gudbiyaan unugyada jirka. Tan waxaa badanaa loo yaqaan "kolestaroolka xun", sababtoo ah marka heerarkiisu sare noqdaan, wuxuu ku ururi karaa halbowlayaasha, taasoo keeni karta inay cidhiidhi noqdaan ama xirmaan. Taasi waxay kordhin kartaa khatarta wadne-qabad ama istaroog.

.

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan ayaa u maleeya in soonku si toos ah u wanaajiyo caafimaadka wadnaha, iyadoon loo eegin nooca ama qadarka cuntada ay maalin kasta cunaan. Kuwaas waxaa ka mid ah Shatha Ahmed, oo 41 jir ah, haweeney Suuriyaan ah oo ku nool caasimadda Sacuudi Carabiya ee Riyadh, isla markaana leh afar carruur ah.

Shatha waxay u sheegtay BBC Arabic: "Mar walba waxaan u malayn jiray in soonka iyo gaajadu ay jirka ka nadiifiyaan wax kasta oo waxyeello leh, laakiin waayo-aragnimadayda gaarka ah iyo wixii igu dhacay sanadkii hore ayaa igu qasbay inaan fikirkeyga beddelo."

Shatha waxay ka sheekaynaysaa waayo-aragnimadeeda la xiriirta cayilka:

"Waxaan dareemi jiray daal badan kadib marka aan wax cuno, intii lagu jiray Ramadaanna daalku wuu sii labanlaabmi jiray. Markii dambe, kadib markaan dhakhtar u tagay, waxaan ogaaday in heerka kolestaroolkayga LDL uu sareeyo. Dhakhtarku wuxuu ii sheegay waqtigaas in haddii aanan qaadin tallaabooyin ka hortag ah, ay suurtogal tahay inaan cudur wadne ku dhaco toban sano ee soo socda ee nolosheyda."

Hadalkan wuxuu ahaa digniin iyo naxdin ku dhacday Shatha, sida ay iyadu ku sifaysay. Tan iyo sanadkii hore, waxay si weyn u beddeshay hab-nololeedkeeda, sida ay sheegtay, waxayna lumisay 20 kiiloogaraam oo miisaan ah iyadoo adeegsanaysa cunto nidaamsan iyo jimicsi.

Professor Kausik Ray, oo ah khabiir Ingiriiska u dhashay oo ku takhasusay ka hortagga cudurrada wadnaha, kolestaroolka iyo dufanka dhiigga kana tirsan Imperial College London, cilmi-baaristiisana lagu daabacay joornaallo saynis oo badan sida New England Journal of Medicine, ayaa u sharaxay BBC Arabic isbeddellada ku dhaca jirka maalintii oo dhan. Wuxuu yiri:

"Si fudud marka loo dhigo, waxba ma aha mid joogto ah. Jirku ma aha mid hal xaalad ku sii jira maalintii oo dhan. Heerarka sonkorta, dufanka iyo waxyaabo kale ayaa si dabiici ah u kacaya oo u dhacaya si joogto ah. Qaar ka mid ah tilmaamayaashan ayaa laga yaabaa inay hagaagaan dhamaadka waqtiga soonka. Si kastaba ha ahaatee, marka la cuno kadib, isbeddello ayaa dhici kara oo ka hor imanaya hagaagistaas, sidaas darteed natiijada ugu dambeysa ma noqon karto mid faa'iido leh sida ay dad badan u maleynayaan. Tusaale ahaan, qofku wuu dhimi karaa miisaan, laakiin waxaa la socon kara isbeddello kale oo yareeya saameynta wanaagsan."

Ray wuxuu sharxayaa habkaas isagoo leh:"Haddii aad qaaddo baaritaan dhiig ah afartii ilaa lixdii saacadoodba mar, waxaad arki doontaa in heerarka kolestaroolku ay saameeyaan arrimo dhowr ah sida soonka ama xaaladda nafaqada, hidde-sidaha qofka, heerka uu jirku ku soo saaro kolestaroolka, iyo awoodda jirku u leeyahay inuu sifeeyo. Dhamaadka waqtiga soonka waxaa laga yaabaa in la arko hagaagis, sida hoos u dhac ku yimaada tirooyinka iyo boqolleyda. Laakiin marka la cuno cuntooyin dufan badan oo tiro badan, beerku wuxuu u maleyn karaa inuu haysto kolestarool ku filan, sidaas darteed wuxuu yareeyaa soo saarista qabtayaasha LDL (kolestaroolka xun). Taas awgeed, awoodda beerku u leeyahay inuu kolestaroolkan ka saaro dhiigga way yaraataa, taasoo keenta in heerarkiisu kordhaan dadka qaarkood."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sideen u ilaalin karnaa heerka kolestaroolka caadiga ah inta aan soomannahay?

Su'aal muhiim ah ayaa maskaxda ku soo dhici karta: waqtiga cuntada dambe ee Ramadaanta, kadib saacado dheer oo soon ah, ma saameeyaa dheef-shiidka dufanka mise ma kordhiyaa kaydinta dufanka jirka? Gaar ahaan haddii cuntada lagu bilaabo cuntooyin shiilan iyo cabitaanno sonkor badan leh.

Xaqiiqdu waxay tahay in cunista cunto culus "ay kordhin karto heerka triglycerides ee dhiigga kadib cuntada, laakiin heerarka kolestaroolka dhiigga waxaa saameeya cuntada muddada dheer la qaato ka badan saameynta degdegga ah ee cuntada kadib. Si kastaba ha ahaatee, cunista joogtada ah ee cuntooyin dufan iyo sonkor badan leh waxay waqti ka dib kordhin kartaa heerarka kolestaroolka dhiigga," sida ay sheegtay nafaqeeye Bridget Benelam oo ka tirsan British Nutrition Foundation.

Laakiin sidee loo xakameeyaa cabbirka iyo noocyada cuntada marka rabitaanku kordho? Maxaase wanaagsan in lagu bilaabo cuntada kadib maalin dheer oo soon ah?

Benelam waxay tiri:"Afurka waa in sida ugu habboon uu ka koobnaadaa cuntooyin biyo badan leh oo kalooriyadoodu yar tahay, maadaama ay siiyaan jirka biyo iyo nafaqooyinka uu u baahan yahay iyada oo aan la badin dufan iyo sonkor. Miraha cusub, saladhka, maraqa , iyo cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka sida misirta, digirta chickpeas, iyo digirta kale waa doorashooyin wanaagsan oo ka caawin kara hoos u dhigista kolestaroolka dhiigga. Sidoo kale waa inaan la ilaawin muhiimada jimicsiga fudud ee neefsiga, sida socodka kadib afurka. Dhanka kale, waxaa habboon in la yareeyo cabitaannada sonkorta leh, cuntooyinka shiilan, hilibka dufanka badan leh, iyo macmacaanka ama keega sonkorta iyo dufanka badan leh."

Shatha waxay sheegtay in hore ay miiska Ramadaankeeda ku diyaarin jirtay cuntooyin badan oo shiilan, suxuun kala duwan iyo macmacaanno, iyadoo u malaynaysay inay carruurteeda u diyaarinayso waxa ugu fiican. Si kastaba ha ahaatee, markii heerarka kolestaroolkeedu kordheen, waxay bilowday inay ka fikirto mustaqbalka iyo caafimaadka carruurteeda. Sidaas darteed waxay go'aansatay inay beddesho caadooyinkeeda cuntada, ma aha oo kaliya iyada darteed, balse sidoo kale si ay tusaale wanaagsan ugu noqoto carruurteeda marka ay dooranayaan cunto caafimaad leh oo dheellitiran. Taasna waxay sii xoojisay iyadoo la socota talooyinka iyo macluumaadka ay dhakhaatiirtu ku wadaagaan baraha bulshada.