Sidee kaniinka aasbiriinku hoos ugu dhigi karaa khatarta kansarka caloosha?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.
Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.
Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.
Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.
Waxay u muuqataa wax aan la rumaysan karin, haddana waxaa muddo dheer jiray calaamado muujinaya in dawadani ay yarayn karto fursadaha kansarka mindhicirka ee fida.
Sanadkii la soo dhaafay, tijaabooyin taxane ah iyo daraasado ayaa xoojiyay caddayntan. Dalalka qaar ayaa mar hore wax ka beddelay hab-raacooda caafimaad si loogu daro dawadan safka koowaad ee dawooyinka ilaaliya xanuunkan khatarta sare leh
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee u shaqaysaa?
Habka saxda ah ee asbiriintu uga hortagto kansarka ayaa muddo dheer qarsoodi ahaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Daawadaan cajiibka ah waxay ka shaqeysaa gudaha iyo dibadda unugga," Martling ayaa sharraxay, sidaas darteed dhowr habab oo kala duwan ayay wax u qabataa..
Shaqadoodu waxay ku wajahan tahay maadada enzyme-ka ee loo yaqaan COX-2, taas oo, sida aynu ognahay, ay joojiso aspirin.
Enzyme waxay gacan ka geysataa soo saarista hormoonnada la midka ah 'prostaglandins', taas oo seenyaaleysa koritaanka unugyo aan la xakameyn karin.
Baaritaan uu dhawaan sameeyay Rahul Roychoudhuri – barafisoor ku xeeldheer maadada oncological immunology ee jaamacadda the University of Cambridge (UK) - iyo asxaabtiisuba waxay soo jeedinayaan in ay jiri karto hannaan kale oo ku lug leh hidde-side ka hortagaya unugyada loo yaqaano T ee habka difaaca inay ogaadaan oo baabi'iyaan unugyada kansarka ee metastatic.
Waxay ogaadeen in hidde-sidahan lagu hawlgelin karo cunsur xinjiro ah oo loo yaqaan thromboxane A2, kaas oo -sida magaceedu tilmaamayo - ka caawisa dhiigga inuu sameeyo xinjiro marka aan dhaawacno.
Sababtoo ah aspirin wuxuu joojiyaa thromboxane, sidaas darteed waxay ka dhigi kartaa unugyada kansarka kuwa aad ugu muuqda habka difaaca jirka. Ogaanshaha arrinkaan ayaa ka yaabisay kooxda.
Cilmi-baarista Roychoudhuri waxaa lagu sameeyay jiirka, marka ma dammaanad qaadi karno in natiijadu ay sidoo kale ansax u tahay marka loo eego aadanaha.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris xiiso leh oo uu sameeyay Langley iyo asxaabtiisa ayaa muujiyay in dadka uu ku dhacay kansarka mindhicirka ama caloosha ay leeyihiin heerar aad uga sarreeya thromboxane marka loo eego shakhsiyaadka caafimaadka qaba-xitaa ilaa lix bilood ka dib daaweynta lagu guuleysto - iyagoo soo jeedinaya in walaxdani ay sidoo kale noqon karto arrin horseed u ah metastasis ee bini'aadamka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma wuxuu daawo yahay wax walba?
Waa arrin laga doodi karo cidda sida saxda ah u qaadanaysa asbiriin si joogto ah iyo goorta.
Cilmi-baarayaasha qaarkood waxay aaminsan yihiin in faa'iidooyinka isku dhafan ee la xiriira cudurrada wadnaha iyo xididada ee kansarka ay tahay inay dhiirigeliyaan isticmaalka weyn ee kaniinka.
Burn, oo hore u qaatay asbiriinka ka hortag ahaan, ayaa rajo ka qaba awooddeeda caafimaadka bulshada.
"Waxaan sameynay daraasad ballaaran oo aan ku muujinnay in haddii qof kasta oo ku dhow da'da 50 uu qaato asbiriin-hooseeya muddo toban sano ah, heerka dhimashada guud ee qaranka waxaa iska dhimi doonana 4%," Burn ayaa tiri.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaasha intooda badani waxay ku doodaan in isticmaalkeeda lagu xaddido bukaanno gaar ah oo keliya.
"Waa arrin in asbiriin la siiyo dadka qaba kansarka, laakiin waa arrin kale in dadka caafimaadka qaba la siiyo iyagana waxyeello u geysan kara," Martling ayaa yiri.
Sababta oo ah asbiriinku wuxuu yeelan karaa waxyeelo halis ah oo uma badna inay waxtar u yeelato qof kasta ama dhammaan noocyada kansarka.
Si kastaba ha noqotee, haddii aad qabto cudurka Lynch syndrome ama lagaa daaweeyay kansarka mindhicirka, waxaa laga yaabaa inay mudan tahay in la weydiiyo haddii qiyaas hoose oo joogto ah ay faa'iido leedahay.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo