Saamaynta dagaalka Iiraan ee geeska Afrika oo Itoobiyana ay ku jirto
Xaaladda sii xumaanaysa ee Bariga Dhexe ayaa ku ''sababaysa dhibaato aad u daran'' oo soo foodsaarta dalalka Afrika oo ay Itoobiya ku jirto, sida ay tilmaamayso warbixin cusub.
Dalka dhaca Bariga Afrika ee Itoobiya, kumanaan kilometer ayey u jiraan Iiraan, saamaynta dagaalkuna ma aysan dhaafin.
Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ayaa aad u kacsanaa maalmihii dambe oo dadka qaar ee dalkaasi ay u dabaal degeyeen munaasabada Easter-ka.
Sabab la xiriirta shidaal yari, suuq gaynta, dhoofinta iyo agabyada kale ee baddeecooyinka ayaa noqonaya kuwa ay soo wajahaan caqabado.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in la ''kaydsado'' shidaal, saraakiisha ayaa ka hadlay hababka ay tahay in qof kasta uu raaco si uu ugu isticmaalo shidaalka harsan si wanaagsan.
Gaadiidka ayaa ku jira safaf muddo maalmo ah si ay uga helaan shidaal, ayadoo dalka ay soo foodsaartay shidaal yari.
''Ma jiraan wax aan wax lagu darin. Qof kasta waxa uu ka walaacsan yahay sidii uu ku badbaadi lahaa,'' ayuu qof deegaanka ah u sheegay BBC.
''Saabuunta ahayd 50 birr ayaa hadda gaartay ilaa 80 birr, halkii kilogram oo sonkor ah ayaa joogay 160 birr waxaa hadda lagu iibinayaa 220 birr'' ayuu qof dadka deegaanka Mandi ah u sheegay BBC.
Maraykanka iyo Iiraan ayaa ku dhawaaqay goor dambe oo Talaadadii ah inay gaari karaan heshiis xabbad-joojin ah oo soconaya laba asbuuc, kadib toddobaadyo dagaal ah.
Xigashada Sawirka, ITDP Africa
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Midowga Afrika iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegaya in dagaalka Iiraan oo hadda ku jira laba asbuuc oo xabbad-joojin ah oo ay gaareen Iiraan iyo Maraykanka uu ka dhigayo nolosha mid sii qaaliyowda, taasi oo wax u dhimaysa horumarka Afrika, sida ay sheegtay AFP.
Sida ay tilmaamayso warbixinta, akoonada Bariga dhexe ee wax dhoofinta iyo soo dajinta ayaa maraya 10.9% iyo 15.8%.
Waxa uu sheegay kororka kicitaanka shidaalka, qiimaha cuntada iyo kharashaadka dhoofinta iyo kororka qiimaha caymiska iyo sidoo kale sarifka qalaad ay yihiin arrimo la filan karo inay nolosha sii adkeeyaan.
Kororka dhaqaalaha ee dalal badan oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inuu ka hooseeyo wakhtigii lagu guda jiray Covid.
Haddii uu dagaalku dheeraado, khatartu waa mid aad u daran.
Haddii colaadu ay dheeraato, shidaalka iyo soo dhoofsashada bacriminta ayaa agabkoodu ay yaraanayaan.
Waxaa adkaan kara xilliga falashada haddii aysan soo gaarin agabka bacraminta, sida ay warbixintu sheegtay.
Sida laga soo xigtay Bangiga Horumarinta Afrika, 29 dal oo Afrika ah ayaa lacagoodii ay soo qiima beeleen.
Tani waxa ay ka dhigtay soo dhoofsashada baddeecadaha, iyada oo hoos u dhigtay kaydka sarifka qalaad, waxayna adkaysay bixinta dulsaarka, sida warbixintu sheegtay.
Sida laga soo xigtay AFP, qaar badan, haddii aysanba ahayn dhammaan ayaa wax uun iibsanaya inta dagaalka socday. Tusaale fiican waxaa ah iibka shidaalka Nigeria iyo iibka gaaska Mozambique.
Sababo la xiriira walaacyada ka jira badda cas, maraakiibta u gooshta Koonfur Afrika ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka sida Koonfur Afrika, Namibia, Mozambique iyo Mauritius.
Warbixintu waxaa ay tilmaamaysaa inay tahay natiijada dagaalka, iyada oo Kenya ay sidoo kale noqotay xarun logistikada Bariga Afrika.
Waxaa kale oo ay sheegeysaa in dakhliga uusan sinayn oo uu dhaawac ka soo gaaray sicir bararka, dhibaatooyinka miisaaniyada iyo ammaanka cuntada.
Waxaa kale oo dheer, cabsida inay saamayn doonto kharashaadka hay'adaha gargaarka ayna u weecin doonto dhaqaalaha gargaarka ee hay'adaha arrimo kale.
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa dhawaan sheegtay in dalalka Bariga Afrika ay xiriir adag la leeyihiin dalalka gacanka uuna dhaqaalahooda ku jiro khatar aad u saraysa.
Si gaar ah, warbixinta ayaa sheegaysa inay wajihi karaan sarfika lacagaha qalaad oo yar, dhoofinta iyo dhibaatooyinka lojistikada.
IMF ayaa warbixinteeda ku dartay in saddex meelood agabka bacraminta ee lasii marsiinayo marinka Hormuz ay soo wajihi karto carqalad, ayna qiimaha dalagyada kor u kici karaan mar kale.
Dagaalka socda ee Bariga dhexe, si kastaba ha ahaatee, ma saamaynayo Afrika oo kali ah, sidoo kale waxaa uu saamaynayaa dhaqaalaha caalamka. Si gaar ah waxa uu sababayaa qiimaha baddeecooyinka oo kor u kaca iyo hoos u dhac soo wajaha dhaqaalaha, sida ay tilmaamayso warbixinta hay'adda lacagta adduunka ee IMF.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo