Maxaa ka dhacay gudaha hotelka ciyaartoyda xulka qaranka Iran ee Australia tagay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Calaamaddii ugu horreysay ee muujisay in wax socdaan waxay ahayd markii aan aragnay koox yar oo ciyaartoyda kubadda cagta Iraan ah oo ku sugan hoolka huteelka.
Waxaan aragnay ugu yaraan saddex ciyaaryahan oo xiran maro madow oo qoorta lagu xirto iyo funaanado cawl ah oo kooxda ah, iyagoo la hadlayay afar qof oo kale. Waqtigaas waxaan u maleynaynay inay sidoo kale Iiraaniyiin yihiin, balse hadda waxaan ognahay inay ahaayeen Iiraaniyiin ku nool isla halkaas, Gold Coast ee Australia.
Waxa isla markiiba dareenkayga soo jiitay waxay ahayd sida ay ugu raaxaysanayeen wada hadalkooda. Si caadi ah ayay u wada hadlayeen, iyagoo mararka qaarkood dhoola-caddeynaya ama qosolaya. Waxay u muuqdeen kuwo aad u deggen oo nasiino ka muuqato.
Laakiin sidee taas suurtagal u ahayd? Horay waxaa loo sheegay in kooxda oo ka koobnayd 26 xubnood la kormeero, aysan heli karin internet, isla markaana aysan la xiriiri karin cid ka baxsan kooxda.
Taasi waxay ahayd su'aasha ugu weyn ee na haysatay; yaa ilaalinayay?
Walaaca ku saabsan amniga kooxda ayaa markii ugu horreysay soo baxay markii muuqaal la sii daayay oo uu ku jiro soo-jeediye ka tirsan telefishinka dowliga ah ee Iran, kaas oo ciyaartoyda ku tilmaamay "khiyaano-qaran" isla markaana sheegay in la ciqaabo kadib markii ay diideen inay qaadaan heesta qaranka kulankoodii ugu horreeyay ee Koobka Qaramada Aasiya.
Walaacyadan ayaa sii kordhay markii labada kulan ee xigay la arkay ciyaartoyda oo qaadaya heesta qaranka, taas oo muujinaysay in cadaadis toos ama dadban lagu saaray inay sidaas sameeyaan.
Xigashada Sawirka, Reuters
Kadib markii kooxda laga reebay tartanka Axaddii, iyadoo la hadal hayay suurtagalnimada inay ku laabtaan Iran, doodaha warbaahinta ayaa sidoo kale diiradda saaray waxa ku dhici kara qoysaskooda ku sugan Iran haddii ciyaartoydu go'aansadaan inay dibadda ku sii nagaadaan. Dhanka kale, shabakad u doodayaasha xuquuqda aadanaha ee ku sugan Australia ayaa iyaguna soo farageliyay, iyagoo isku dayaya inay si kasta ula xiriiraan ciyaartoyda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Wax walba waan samaynay intii aan ugu kari karnay Queensland," ayuu u sheegay BBC u-doodaha xuquuqda aadanaha ee Iiraan ka soo jeeda, Hessam Oroji.
Oroji wuxuu ka mid ahaa afar xubnood oo ka tirsan bulshada Iiraaniyiinta ee Queensland oo kula hadlay ciyaartoyda hoolka huteelka fiidkii Isniinta, qiyaastii 5:30 galabnimo.
Bannaanka huteelka waxaa taagnaa dhowr askari oo ka tirsan Booliska Federaalka ee Australia oo xiran dhar rasmi ah. Boolisku halkaas ayay joogeen tan iyo subaxnimadii. Wax walba waxay ahaayeen kuwo aad u deggan oo nabad ah, sidaas darteed waxaan u maleynay in kooxdaasi ay u baxayeen inay hawo qaataan sida saaxiibadood oo hore u baxay. Laakiin si lama filaan ah jawigu wuu is beddelay.
Wax ka yar nus saac kadib, laba xubnood oo ka tirsan wafdiga Iran ayaa si degdeg ah uga gudbay hoolka huteelka, iyagoo u dhaqaaqay jaranjarooyinka u degaya baarkinka huteelka. Mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda iyo tababaraha Marzieh Jafari ayaa iyaguna ka daba yimid.
Dhaqdhaqaaqan lama filaanka ah ee ka dhacay hoolka deggan ee huteelka ayaa si weyn u soo jiitay dareenka. Waxaan daba galnay iyaga anagoo ku duubnay taleefannadeena gacanta. Waqtiga muuqaalka ku qoran wuxuu muujinayaa inuu ahaa 6:08 fiidnimo waqtiga maxalliga ah.
Hoosta jaranjarada ayaa xirneyd, waxaana wafdiga Iran oo u muuqday kuwo walaacsan lagu qasbay inay dib u laabtaan. Gabdhihii way maqnaayeen, hadda waxaan ognahay inay ahaayeen shan.
Dhacdadan waxay soo baxday xilli qorraxdu sii dhacayso, iyadoo xubnaha kooxda isu diyaarinayeen afur. Waxaa suurtagal ah in maqnaanshaha ciyaartoyda qaarkood uu sababay inay ogaadaan inay meesha ka tageen.
Hadda waa cadahay in wixii aan aragnay ay ahaayeen natiijada hannaan dheer oo adag; hannaan ugu dambeyn sababay in shan ciyaaryahan oo Iiraaniyiin ah ay codsadaan magangelyo.
Dhowr saacadood kadib, Fatemeh Pasandideh, Zahra Ghanbari, Zahra Sarbali, Atefeh Ramezanzadeh, iyo Mona Hamoudi ayaa helay fiisooyin bini'aadannimo oo Australia ay siisay.
Markii dambe laba kale Muhaddesa Zolafi oo ah ciyaaryahan kooxda ka tirsan, iyo Flor (Zahra) Meshkinkar oo ka mid ah shaqaalaha taageerada ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay rabaan inay ku sii nagaadaan Australia.
Waxaa laga soocay kooxda inteeda kale huteel ku yaal Gold Coast Talaadadii, waxaana loo qaaday xarun boolis oo u dhow garoonka diyaaradaha Brisbane.
Halkaas ayay kula kulmeen shan kale. Dhammaan toddobada qof waxaa loo sheegay inay si joogto ah ugu noolaan karaan Australia, laakiin Arbacadii mid ka mid ah ayaa go'aankiisa beddelay.
"Dalka Australia dadku way beddeli karaan go'aankooda. Waxaan ixtiraamaynaa duruufaha uu ku gaaray go'aankaas," ayuu Xoghayaha Arrimaha Gudaha Tony Burke u sheegay baarlamaanka Arbacadii.
Xigashada Sawirka, Reuters/Australian Department of Home Affairs
Isku dayga in la sameeyo xiriir
Xigashada Sawirka, EPA
Ka hor intaan waxaas oo dhan dhicin, miiganeyaal ayaa xiriir la sameeyay Booliska Federaalka Australia iyo ilaalida huteelka si marka hore si gaar ah uga maqlaan gabdhaha rabitaankooda inay ku sii nagaadaan Australia, isla markaana loo hubiyo in la ilaaliyo marka ay codsadaan.
"Waxaan tagnay garoonka, magacyadooda ayaan ku dhawaaqnay, waxaanan ku nidhi haddii aad rabtaan inaad halkaan joogtaan waan idin taageeri doonaa," ayuu yiri Oroji.
Sida uu sheegay, taageeradan ayaa noqotay meel leexin u ah ugu yaraan qaar ka mid ah dumarka go'aansaday inay codsadaan magangelyo.
Marka loo eego Oroji, caqabadda ugu weyn waxay ahayd in la siiyo macluumaad sax ah isla markaana laga hortago warar khaldan oo la sheegay in ay faafinayeen mas'uuliyiinta Iran ee la socday kooxda.
Qaar ka mid ah haweenkan ayaa loo sheegay inaanay jirin dammaanad ah inay heli karaan magangelyo, isla markaana laga yaabo in lagu wareejiyo xarun lagu hayo dadka magangelyo doonka ah.
Oroji wuxuu sheegay in xiriirka ugu horreeyay uu maray xubin qoyska ka tirsan, laakiin in la gaaro ciyaartoyda ma fududayn: mararka qaarkood internet ma haystaan, fariimo ayaana la diraa oo aan gaadhin ilaa ay internet helaan.
Bulshada Iiraaniyiinta ee Australia oo ka badan 85,000 qof ayaa intooda badan dhistay bulsho aad isugu dhow.
Fiidkii Isniinta huteelka waxaa sidoo kale joogtay la-taliye arrimaha socdaalka Melody Naghmeh Danaei, oo u joogtay inay talo siiso kuwa go'aansanaya inay sii joogaan Australia.
Iyadoo la hadlaysay BBC intii lagu jiray nasashada ciyaarta, waxay tiri:
"Australia waxay ku taageeri doontaa iyaga sida uu qabo sharciga socdaalka; tani wax cusub ma aha. Waxaan si qoto dheer uga welwelsanahay noloshooda, waxaana halkaan u joognaa inaan u taageerno sida ay rabaan."
Markii dambe waxay u sheegtay ABC News in ciyaartoydu ay ku jireen cadaadis weyn, isla markaana ay ka welwelsanaayeen qoysaskooda iyo hantidooda ku taalla Iran.
In kasta oo dhaqdhaqaaqayaasha maxalliga ahi door weyn ka ciyaareen arrintan, haddana faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan doorka dowladda ayaa soo baxday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Tony Burke ayaa sheegay in ciyaartoyda la siiyay doorasho, isla markaana aan lagu degdegin ama lagu cadaadin.
"Waxaa loo oggolaaday inay si xor ah go'aan u gaaraan," ayuu yiri.
"Waxaan hubinnay inaan wax degdeg ah jirin. Cadaadisna ma jirin."
Dhammaan dadaallada waxaa loo sameeyay si loo hubiyo inay go'aankooda si xor ah u gaari karaan iyagoo ilaalinaya karaamadooda.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo