Sawirrada ugu xiisaha badan ee toddobaadkan laga soo qaaday Afrika

Waa xulka sawirrada ugu xiisaha badan toddobaadkan Afrika iyo meelo kale oo dunida ka mid ah:

Xigashada Sawirka, TCHANDROU NITANGA/GETTY IMAGE

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada dhaqanka iyo kooxda qoob-ka-ciyaarka Burundi oo Sabtidii hore u dabbaaldegaya maalinka Imbonerakure. Waa maalinka kooxda garabka dhalinyaradda ee xisbiga talada haya ee dalkaas.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa isla sabtidii hore ee, qof taageere u ah askarta xukunka la wareegtay ee Niger ayaa ruxaya sawirka calamada dalalka Mali, Burkina Faso, Algeria, Niger iyo Russia.

Xigashada Sawirka, LINTAO ZHANG/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Carruurta tuulada Jabeab ee dalka Sudan oo ku mashquulsan gurashada tacabka basasha ee beerahooda, waana maalin Arbaca ah.

Xigashada Sawirka, LINTAO ZHANG/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Gabadha reer masar ee Hannah Dabees ayaa jimcihii Thailand uga qeybgashay tartanka barafka dumarka Skatingka.

Xigashada Sawirka, KHALED DESOUKI/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Madal kale oo isla Masar ah, carruur ciyaaraha jecel ayaa daawanaya tartan kubadda cagta ah oo dalkaas ka dhacaya isla maalintaas.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dagaalyahan Sudan u dhashay oo ilaalo ka haya koox militari ah oo galbinaya duqa gobolka Darfur.

Xigashada Sawirka, RAFALIA HENITSOA/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Kooxda qoob-ka-ciyaarka oo masraxa saaran xilli lagu gudojiro xafladda furida Ciyaaraha Jasiiradaha Badweynta Hindiya 2023ka. Waxaa lagu qabtay Madagascar jimcihii.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhalinyaradda Gabon oo u dabbaaldegaya askarta xukunka la wareegtay arbacaddii iyaga oo jooga magaalada caasimadda ah ee Libreville.

Xigashada Sawirka, ARPAD KURUCZ/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Orodyahanka Uganda Victor Kiplangat ayaa farxad la dhoolacadeynaya kadib markii abaalmarin dahab ah uu ku guuleystay. Waxa uu ka qeybgalayay tartanka orodka ragga ee dunida oo ka dhacay Budapest Axadii.