Sidee shacabka reer Iran uga falceliyeen hadalkii hoggaamiyahooda cusub?
Xigashada Sawirka, EPA
"Xitaa ma aaminsani in fariintu isaga ka timid," ayay haweeney Iranian ah oo 40-meeyo jir ah u sheegtay BBC, kadib markii hoggaamiyaha cusub ee sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu bixiyay khudbaddiisii ugu horreysay oo ahayd bayaan laga akhriyay telefishinka dowladda.
Maadaama aan weli la arkin tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha, qaar ayaa hadda shaki gelinaya cidda dhab ahaantii maamusha dalka.
"Waxaan dareemayaa in xakamaynta dalka ay gacanta ku hayaan ciidanka Islamic Revolutionary Guard Corps," ayay tidhi haweeneyda oo ka timid Tehran.
Khamenei, isagoo fariintiisa loo sii marayo weriye telefishin oo sii akhriyey, ayaa Khamiistii sheegay in Iran ay sii wadi doonto xidhitaanka marinka Strait of Hormuz ee maraakiibta caalamiga ah — arrin saameyn karta sahayda qiyaastii shan meelood meel saliidda adduunka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisu "aysan ka tanaasuli doonin aargudashada dhiigga" muwaadiniinta la dilay tan iyo markii dagaalka u dhexeeya Iran iyo Maraykankaiyo Israel uu bilowday. Wuxuu sheegay in jawaabta ilaa hadda ay bixiyeen ay tahay "qayb yar oo xaddidan" oo ka mid ah waxa iman doona.
Khamenei sidoo kale wuxuu sheegay inu u ogaaday in loo doortay hoggaamiyaha sare Telefishanka Dawladda.
Si kastaba ha ahaatee, Khamenei weli loma arag si toos ah, mana jiro muuqaal ama sawir cusub oo laga baahiyey tan iyo markii loo magacaabay inuu beddelo aabbihii Ayatollah Ali Khamenei.
Xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay — isagoo aan bixin wax caddeyn ah — in Khamenei "dhaawacmay oo laga yaabo weliba inuu si xun uga dhaawacmay wejiga" mid ka mid ah duqeymihii ugu horreeyay ee ka dhacay Tehran, kuwaas oo dilay Ayatollah Ali Khamenei, xaaskiisa, iyo wiil kale oo uu dhalay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maqnaanshihiisa iyo in aan la arkin ayaa sidoo kale ahayd arrin ay soo qaadeen qaar ka mid ah dadka la hadlay BBC Persian kadib baahinta bayaanka, oo qof kale sii akhriyey.
"Waxay ahayd wax lala yaabo inuusan xitaa soo dirin fariin cod ah, taas oo shaki gelisay xaaladdiisa," ayuu yidhi nin ku nool Tehran oo 30-meeyo jir ah.
"Aniga ahaan, fariintani waxay kordhisay shakiga halkii ay ka caddeyn lahayd xaaladdiisa dhabta ah ee u uku sugan yahay," ayuu intaas ku daray.
Nin kale oo 20-meeyo jir ah oo ka soo jeeda Tehran ayaa yidhi:
"Weli ma arkin si aan fikrad uga qaato. Run ahaantii wax badan kama naqaan isaga."
Nin saddexaad ayaa sheegay inuusan "xitaa ku qancin in uu isaga (Mojtaba Khamenei) laftiisu qoray fariinta."
Dhanka kale, haweeney 20-meeyo jir ah oo ka timid Rasht ee waqooyiga Iran ayaa si kaftan leh u tiri:
"Wow, waan ka helay in uusan xitaa ka soo muuqan telefishinka dowladda si uu fariintiisa u gudbiyo."
Weli way adag tahay in lala xidhiidho dadka gudaha Iran, sababtoo ah internet-ka oo dowladda ay damisay. Si kastaba ha ahaatee, qaar ayaa mararka qaarkood si kooban ula xidhiidhi kara dibadda iyagoo adeegsanaya satellite.
Dad badan oo sidaas sameeyaa waxay u badan yihiin kuwa ka soo horjeeda nidaamka. Hadalladooda waxaa loo qariyay magacyadooda sababo amni dartood.
Inkasta oo mucaaradnimada nidaamka Islaamiga ah ee talada hayay tan iyo Kacaankii Iran ay si cad uga muuqatay mudaharaadyo ballaadhan oo dalka ka dhacay horaantii sanadkan, haddana nidaamku weli wuxuu leeyahay taageerayaal xooggan.
Dad badan ayaa Jimcihii isugu soo baxay badhtamaha Tehran si ay uga qayb qaataan isu soo baxyo taageersan dowladda oo lagu xusayo Quds Day — munaasabad sannadle ah oo nidaamka Iran uu aas aasay si loo muujiyo taageerada Falastiiniyiinta iyo mucaaradka Israel. Dad badan oo waddooyinka joogay ayaa watay sawirrada Mojtaba Khamenei.
Warbaahinta Iran ayaa dhacdadaa kaddib daabacday sawirro iyo muuqaallo muujinaya mas'uuliyiin ka mid ah kuwa ka qayb galay isu soo baxa, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Iran Massoud Pezeshkian, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi, Madaxa Garsoorka Gholamhossein Mohseni Ejei, iyo Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Ali Larijani.
Fariintii Khamenei ee Khamiistii ayaa sidoo kale ku baaqday in dadka Iran ay ka qayb qaataan isu soo baxyada si ay "ula dagaallamaan cadowga."
BBC Persian iyo BBC Verify ayaa xaqiijiyay muuqaal muujinaya qarax ka dhacay caasimadda Tehran meel u dhow goobta ay dadku isugu soo baxeen. Ciidamada Israel ayaa hore u soo saaray digniin daadgureyn ah oo ku saabsan aag ku dhow halka ay isu soo baxyadu ka dhacayeen.
Mid ka mid ah muuqaalada la baahiyay ayaa muujinaya Gholamhossein Mohseni Ejei oo wareysi siinaya telefishinka dowladda, markii uu qarax ka dhacay meel u dhow, iyadoo dadka ku hareeraysan ay ku dhawaaqayeen "Allahu Akbar" ("Ilaah baa weyn").
Dad kale oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay u arkaan in fariinta hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Khamenei ay muujinayso in wax yar ay isbeddeli doonaan.
Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, ayaa Talaadadii sheegay in kumannaan goobood oo rayid ah lagu burburiyay duqeymaha, oo ay ku jiraan iskuullo iyo guryo.
Ururka xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Maraykanka Human Rights Activists in Iran ayaa sheegay in ku dhowaad 1,800 qof ay ku dhinteen colaadda, iyadoo qiyaastii saddex meelood, laba meel ay ahaayeen rayid.
"Fariintu waxay ahayd mid aad u adag. Waxaan u maleynayaa inay muujinayso in waxba laga beddeli karin gudaha nidaamka," ayuu yidhi nin 30-meeyo jir ah oo ku nool Tehran.
Nin kale oo 30-meeyo jir ah oo ku nool Karaj, oo ah magaalo u dhow Tehran, ayaa isna sheegay:
"Waxaan u maleynayaa in fariintu caddeyneyso in Jamhuuriyadda Islaamiga ah, cid kasta oo hoggaamisa ha noqotee, ay mar walba ku adkeysan doonto aragtideeda."
"Sidaas darteed, dunidu waa inay ogaataa in aan lala macaamili karin nidaamkan."
Qof kale oo ku nool Karaj ayaa si kulul u yiri:
"Xitaa wuu ka liitaa aabbihii."
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo