Shirkadaha Meta iyo YouTube oo lagu helay dambi kadib dacwad lagu soo oogay

Meta iyo YouTube

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xeer-beegti ku sugan magaalada Los Angeles ayaa gaaray go'aan aan horay loo arag oo guul u ah haweeney da'yar oo dacwad ku soo oogtay Meta iyo YouTube, iyadoo ku eedaysay qabatinka baraha bulshada intii ay yarayd.

Xeerbeegtida ayaa go'aamisay in Meta, oo leh Instagram, Facebook iyo WhatsApp, iyo Google, oo leh YouTube, ay si ula kac ah u dhiseen baraha bulshada ee qabatinka leh, taasoo waxyeello u geysatay caafimaadka maskaxeed ee haweeneyda 20 jirka ah.

Haweeneyda, oo lagu magacaabo Kaley, ayaa la siiyay magdhow dhan 6 milyan oo doollar natiijo la filayo inay saameyn ku yeelato boqolaal dacwadood oo la mid ah oo hadda ka socda maxkamadaha Maraykanka.

Meta iyo Google ayaa si gooni gooni ah u sheegay inay ku qanci waayeen go'aanka isla markaana ay racfaan ka qaadan doonaan. Meta waxay tiri: "Caafimaadka maskaxeed ee dhalinyarada waa arrin aad u adag oo aan lagu xiri karin hal app oo keliya."

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan si adag isu difaacno maadaama dacwad kastaa ay leedahay hannaan loo maro, welina waxaan ku kalsoonahay diiwaankeena ilaalinta dhalinyarada online-ka."

Afhayeen u hadlay Google ayaa sheegay: "Dacwaddan si khaldan ayay u fahantay YouTube, oo ah madal si masuuliyad leh loo dhisay oo lagu daawado muuqaallada, mana aha bar bulsho."

Xeerbeegtida ayaa go'aamisay in Kaley la siiyo 3 milyan oo ah magdhow dhaawaca maskaxeed ee soo gaaray darteed iyo 3 milyan oo kale oo ah ciqaab, kadib markii ay go'aamiyeen in Meta iyo Google "ay u dhaqmeen si xun, cadaadis ama khiyaano leh" habka ay u maamuleen barahooda.

Meta ayaa la filayaa inay bixiso 70% magdhowga Kaley, halka Google ay qaadan doonto 30% ee soo hartay.

Barahaan ayaa loo haystaa in aysan sameynin tallaabo ay ku joojinayaan la qabsiga barnaamijyadooda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waalidiinta carruur kale, oo aan qayb ka ahayn dacwadda Kaley balse sheegaya in iyaguna ay waxyeello ka soo gaartay baraha bulshada, ayaa joogay bannaanka maxkamadda Arbacadii, sida ay sameyn jireen maalmo badan intii ay socotay maxkamaddu oo ahayd shan toddobaad.

Markii xukunka la gaaray, waalidiin ay ka mid tahay Amy Neville ayaa la arkayay iyagoo dabaaldegaya, isla markaana isku duubaya waalidiin kale iyo taageerayaal sugayay go'aanka.

Xukunka Los Angeles ayaa yimid maalin kaddib markii guddi xeerbeegti ah oo ku sugnaa New Mexico ay ku heleen Meta masuuliyad darro ku saabsan sida ay barnaamijyadeedu carruurta khatar ugu geliyeen isla markaana ugu soo bandhigeen waxyaabo galmo cad ah iyo xiriir lala yeesho wxa loogu yeeray ugaarsadayaasha galmada.

Mike Proulx, oo ah agaasimaha cilmi-baarista ee Forrester, ayaa sheegay in xukunnadan isku xigxiga ay muujinayaan "niyad jab" u dhaxaya shirkadaha baraha bulshada iyo dadweynaha.

Bilihii u dambeeyay, dalal ay ka mid tahay Australia ayaa soo rogay xayiraado carruurta loogu joojinayo ama loogu xaddidayo isticmaalka baraha bulshada. Boqortooyada Ingiriiska ayaa hadda wadda barnaamij tijaabo ah si loo arko sida ay u shaqayn karto mamnuucidda baraha bulshada ee dadka ka yar 16-ka sano.

"Dareenka taban ee loo qabo baraha bulshada wuxuu soo dhisnaa sanado badan, haddana ugu dambayn wuu qarxay," ayuu yiri Proulx.

Tan iyo markii uu hortagay xeerbeegtida bishii Febraayo, Mark Zuckerberg, oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Meta, ayaa ku dooday siyaasadda muddada dheer jirtay ee shirkaddiisa oo ah in aan loo oggolaan isticmaaleyaasha ka yar 13 sano inay isticmaalaan mid ka mid ah barnaamijyadeeda.

Markii loo soo bandhigay cilmi-baaris gudaha ah iyo dukumeentiyo muujinaya in Meta ay ogayd in carruur aad u yar ay dhab ahaantii isticmaalayeen barnaamijyadeeda, Mark Zuckerberg wuxuu sheegay inuu "mar walba jeclaa" in si dhakhso leh loo horumariyo hab lagu aqoonsado isticmaalayaasha ka yar 13 sano. Wuxuu ku adkaystay in shirkaddu ay ugu dambayn gaartay "meeshii saxda ahayd muddo ka dib."

Iyadoo Google, oo ah milkiilaha bogga wadaagista muuqaallada ee YouTube, ay sidoo kale ahayd eedeysane kiiska, haddana inta badan dacwadda waxay diiradda saartay Instagram iyo Meta.

Snap iyo TikTok sidoo kale markii hore waxay ahaayeen eedeysanayaal, balse labaduba waxay gaareen heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen Kaley ka hor intaan dacwadda la bilaabin.

Dhanka qareennada Kaley, waxay ku doodeen in Meta iyo YouTube ay dhiseen "mashiinno balwad abuura" isla markaana ay ku fashilmeen masuuliyaddoodii ahayd inay ka hortagaan carruurta inay galaan barnaamijyadooda.

Kaley waxay sheegtay inay bilowday isticmaalka Instagram iyadoo 9 jir ah iyo YouTube iyadoo 6 jir ah, isla markaana aysan la kulmin wax isku day ah oo lagu joojinayo sababo la xiriira da'deeda.

"Waxaan joojiyay la falgalka qoyska sababtoo ah waqtigayga oo dhan waxaan ku qaadanayay baraha bulshada," ayay Kaley ku sheegtay markay ay faallooyinka bixinaysay.

Kaley waxay sidoo kale sheegtay inay ahayd 10 jir markii ay bilowdeen dareenno walaac iyo niyad-jab ah, kuwaas oo sanado kadib dhakhtar cilminafsi ah u aqoonsaday inay la qabatimtay.

Waxay sidoo kale bilowday inay aad ugu mashquusho muuqaalkeeda jireed, waxayna bilowday isticmaalka filtarrada Instagram-ka ee beddela sida ay u ekaanayso, iyagoo ka dhigaya sankeeda mid yar iyo indhaheeda kuwo waaweyn, ku dhawaad isla markii ay bilowday isticmaalka barnaamijka iyadoo carruur ah.