Afhayeenka Koonfur Galbeed oo BBC uga warramay wixii Baydhabo ka dhacay iyo tallaabooyinka xiga
Xigashada Sawirka, Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Tan iyo markii dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Baydhabo kala wareegtay maamulka Koonfur Galbeed isla markaana uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in uu xilkii iska casilay, waxaa soo baxayay is waydiimo ku saabsan tallaabooyinka la filan karo iyo in xaaladdu sidaa ku soo afjarantay.
Haddaba BBC-da ayaa su'aalahaasi iyo kuwa kale hor-dhigtay afhayeenka mamaulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo aan la yeelanay waraysi dheer oo ku saabsan xaaladda guud.
Wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Isniintii Baydhabo oo ahaa dagaalkii dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay ahaayen nasiib darro lagan abaaqsan karay.
Wuxuu sheegay in dhankooda ay go'aan ku gaareen in ay kala bad-baadiyaan ciidamada isla markaana ay keentay arrintaasi go'aankii madaxweynihii ku dhawaaqay inuu is casilay uu kaga baxay magaalada Baydhabo oo ugu duulay Nairobi, oo hadda uu ku suganyahay.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo BBC-d waydiisay in ciidamo iyo gawaari dagaal oo maamulku lahaa ay hadda joogaan duuleedka Baydhabo, waxaa uu ku jawaabay: "Ciidamadu waxey sugayaan amniga maadama gudaha lagu dagaallamay amniga bannaanka ayaa meesha ka bixi kara oo halis gali kara marka sidaa ayay bannaanka u joogaan".
Maxaa ka jira in weli uu ku adkeysanayo in uu yahay madaxweynaha KGS?
Xigashada Sawirka, SOCIAL
Saacadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaana sida dowladda federaalku u wajahaday mamaulkiisa aaney sax ahayn arrintaas.
Hase yeeshee Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa ka gaabsaday arrintaas, isagoo sheegay in go'aanadaasi ay Laftagareen gaar u yihiin, oo xilliga ku habboon uu sheegi doono qorshihiisa.
Marka kale ayaa BBC-du waydiisay in go'aankii is casilaadda uu ka laabtay iyo in kale, balse mar kale ayaa Ugaas Xasan ka gaabsaday in si waafi ah uu arrintaa uga jawaabo. Wuxuuna carrabka ku adkeyay in aanu bixi karin xog ku saabsan go'aanka iyo qorshaha madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.
Itoobiya iyo Laftagareen
Xigashada Sawirka, AUSOM
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu beeniyay in ka hor khilaafka dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed uu Cabdicasiis Lafta Gareen uu tagay dalka Itoobiya oo halkaasi uu kula kulmay madax Itoobiyaan ah.
Sida la wada ogyahay magaalada Baydhabo waxey ka mid tahay meelaha ay joogaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana waydiinay Ugaas Xasan Cabdi in uu jiray dalab ay u gudbiyeen ciidamada AUSSOM si gaar ah kuwa Itoobiya, maalintii dagaalka in ay ka difaacaan ciidamada dowladda federaalka ee weeraray Baydhabo:Wuxu ku jawaabay in ciidamada AUSSOM ay jogaan meelaha muhiimka ah sida madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha "marka Sabab ay dowladda Itoobiya u difaacdo Koonfur Galbeed aniga iima muuqato".
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed afhayeenka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in ay daneynayaan in aan wax dhibaato ah Koonfur Galbeed aaney ka dhicin isla markaana howshii iyo horumarkii ay muddada soo wadeen halkii laga sii wado.
Wuxuu sheegay in ay ka baaraan dagayaan waxyaabaha iyo tallaabooyinka ay qaadayaan ayna la hadli doonaan bulshada reer Koonfur Galbeed xilliga ku habboon.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo