Sir qarsaneed 49 milyan oo sano: god badalay fikirkii aan ka haysanay nolosha
Xigashada Sawirka, Lars Behrendt
Markii cilmibaaraha noolayaasha godadka Hazel Barton ay ku dhiiratay gunta hoose ee mugdiga, waxa ugu dambeeya ee ay filaysay inay hesho waxay ahaayeen noole ka faa'iidaysta tamarta iftiinka. Fahamkan cusub ee photosynthesis-ka ee mugdiga, ayay ogaatay, in ay la macno tahay in nolosha meelo kale oo Caalamka ah ka jiri karta aynaan waligeen suuraysan.
"Darbigu waxa uu ahaa cagaar dhalaalaya . Waxa uu ahaa cagaarka ugu dhalaal badan ee aad waligaa arki lahayd, haddana microbes-ku waxa ay ku noolaayeen gudcur dhammaystiran," ayay tiri Barton, oo ah barafisoor cilmiga jiyoolajiga ka dhigta Jaamacadda Alabama.
Gunta hoose ee dhagaxa ah ee buuraha qotada dheer ee lamadegaanka Chihuahuan ee koonfurta New Mexico, waxaa ku yaal shabakad ka kooban 119 god. Godadka ayaa ah qayb ka mid ah Carlsbad Caverns National Park, waxaa la sameeyay afar ilaa 11 milyan oo sano ka hor sababtoo ah maadada sulfuric acid ayaa mileysay dhagaxyo xarar ah oo ku yaalay gudaha godka.
Meesha u soo jiidasho badan beerta waa godka dadka la tuso ee, Carlsbad Cavern. Halkan, macdan dhalaalaya ayaa ku dheggan saqafka sare ee godka weyn, ee ku yaalla dhulka hoostiisa oo dhererkiisu yahay 4,000ft (1,220m) dherer ah iyo 625ft (191m) ballac ah.
Xigashada Sawirka, VWPics/Universal Images Group via Getty Images
" Godka Carlsbad aad buu u fudud yahay in la gaaro. Waa god aad u weyn oo dhagax xarar ah leh oo ay dalxiisayaashu booqan karaan kaas oo leh jaranjaro," ayuu yiri Lars Behrendt, oo ah cilmi-baare microbial-ka ee Jaamacadda Uppsala. Qaybo ka mid ah nidaamka godka, ayuu ku daray, in xataa kursiga curyaanka laga heli karo.
Dhirtu waa cagaar waxaana ugu wacan kiimiko la yiraahdo chlorophyll, taasoo nuugta tamarta iftiinka. Photosynthesis-ka, tamartan waxaa loo isticmaalaa in lagu beddelo kaarboon laba ogsayd iyo biyaha gulukoos iyo ogsijiin. Hawshu waa isku mid marka loo eego cyanobacteria. Haddana halkan, godka, ma jirin iftiin qorraxeed.
Sidee wax uga dhaceen meesha?
Waxaa soo baxday in cyanobacteria-da godka ku jirta ay leeyihiin nooc gaar ah oo chlorophyll ah oo qaban kara iftiinka dheer. Iftiinkani waxa uu dhererkiisu ka dheer yahay iftiinka la arki karo, waxa uuna soo muuqdaa wax yar ka hor inta aan iftiinka infrared-ka loo yaqaano uusan soo bixin. Waa wax aan lagu ogaan karin indhaha bini'aadamka.
Halka dhirta iyo cyanobacteria ay chlorophyll A u isticmaalaan photosynthesis, cyanobacteria-da ku jira godadka Carlsbad waxay isticmaalaan chlorophyll d iyo f, kuwaas oo awood u leh inay tamar ka dhaliyaan iftiinka dheer ee u dhow kan loo yaqaan infrared-ka.
Inkasta oo iftiinka muuqda uu safri karo dhowr boqol oo fiit godka gudahiisa, kan dheer wuxuu u safri karaa wax intaa ka badan, sababtuna waa qaabka muraayadda oo kale ah ee dhagaxyada xararka ah.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Dhagaxa godku ka sameysan yahay wuxuu nuugaa dhammaan iftiinka muuqda, laakiin iftiinka kale ee dheer, wuxuu aad ugu badan yihiin dhagaxda muraayada oo kale ah," ayay tiri Barton.
Dhab ahaantii, markii cilmi-baarayaashu ay cabbireen iftiinka qaybta dambe ee godka halkaas oo goobta ugu mugdisan, waxay ogaadeen in heerarka iftiinka ka dheer kan aan naqaano ay 695 jeer ka badan yihiin iftiinka irida hore ee godka.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale u soo baxeen godad kale oo ku yaal Carlsbad Caverns National Park waxayna tijaabiyeen godad kale oo ka baxsan kuwaan. Xaalad kasta waxay heleen microbes photosynthesising qoto dheer oo dhulka hoostiisa ah.
"Waxaan muujinay in aysan halkaan ku noolayn oo keliya, balse ay ka nuugaan deegaano ay u badan tahay in aan la taaban 49 milyan oo sano," ayuu yiri Behrendt.
Barton iyo Behrendt maaha saynis yahanada kaliya ee helay microbes awood u leh inay ku noolaadaan mugdiga.
Sannadkii 1890-kii, hormuudka cilmiga microbiologist oo ah Yukreeniyaan-Ruushiyaan, Sergei Nikolaevich Vinogradskii wuxuu ogaaday in microbes-ka qaar ay ku noolaan karaan oo keliya maadada aan noolaha ahayn - iyadoo la adeegsanayo habka loo yaqaan chemosynthesis. Microbes-yadani waxay tamar ku helaan falcelinta kiimikaad, iyagoo kiimikooyinka sida methane ama hydrogen sulfide ka qaadanaya dhagaxyada iyo biyaha ku xeeran.
Sannadkii 1996-kii, Hideaki Miyashita, oo wakhtigaas arday ka ahaa barnaamijka Nasa ee dadka dhameeya shahaadada PhD ee jaamacadda, ayaa helay cyanobacterium badeed lagu magacaabo Acaryochloris marina, taas oo iftiinka tamar ka nuugi karta iyadoo la isticmaalayo iftiinka muuqda iyo midka dheerba. Daahfurkaani wuxuu bilaabay cilmi-baaris tobanaan sano ah oo lagu sameeyay hirarka iftiinka ee loo baahan yahay si tamar loo nuugo.
Kadib, 2018, saynis yahano jooga Imperial College London waxay heleen photosynthesising cyanobacteria ku nool xaalado aan la fahmi karin gudaha Beerta Qaranka ee Yellowstone, iyo gudaha qaar ka mid ah dhagxaanta xeebaha Australia. Xaalad kasta, cyanobacteria waxay isticmaashay chlorophyll a si ay u tamar u nuugto iyada oo la adeegsanayo iftiin muuqda, laakiin ka dib waxay u beddelatay isticmaalka chlorophyll f si ay u tamar nuugista u sii wado iyada oo la adeegsanayo iftiin dheer ee u dhaw kan loo yaqaano infrared - oo ka baxsan awoodda aragga aadanaha.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo