Maxay yihiin Xuutiyiinta Yemen ee ku hanjabay inay kusoo biirayaan dagaalka Iiraan?

Houthi

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada difaaca Israa'iil ee IDF ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaal laga soo riday dalka Yemen, sida ay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo wakaalada France-Presse ku sheegeen inay tahay tii ugu horraysay ee laga rido Yemen tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa kadib markii shalay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen oo la safan Iran, kuwaas oo weerarradoodii Badda Cas ay sababeen jahawareer weyn oo ku yimid maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah intii uu socday dagaalka Qasa, ay sheegeen inay mar kale diyaar u yihiin inay beegsadaan marin-biyoodka muhiimka ah, iyagoo muujinaya taageeradooda Tehran, sida uu hoggaamiye Xuuti ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

War qoraal ah oo uu soo dhigay Telegram, Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Yemen - kooxda Xuutiyiinta ee militariga Yemen - wuxuu yiri "faraheenna ayaa kicinaya faragelin toos ah" haddii ay dhacaan xaaladaha soo socda:

  • Waddamo kasta oo kale oo ku biira Maraykanka iyo Israa'iil oo ka soo horjeeda Iran
  • Badda Cas waxaa loo adeegsadaa "in lagu fuliyo howlgallada cadawtinimada ah ee Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo dal kasta oo Muslim ah"
  • "sii socoshada xiisadda" ka dhanka ah Iran

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tani ay jawaab u tahay "gardarrada joogtada ah ee cadowga Mareykanka iyo Israel ay ku hayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Falastiin iyo Qasa, Ciraaq iyo Lubnaan".

Maxay yihiin Xuutiyiinta?

Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.

Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.

Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".

Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.

Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.

Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.

Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Isbeddelka dhaqdhaqaaqa

Xarakadu waxay isku beddeshay koox hubaysan sanadkii 2004tii, markii la dilay hoggaamiyahoodii Xuseen Al-Xuuti ka dibna waxaa xukunkeeda la wareegay walaalkiis oo ka yaraa Abdul Malik

Intaas hore waxay kooxdu qaadatay magacyo kala duwan ilaa aakhirkii qaadatay oo ay si rasmi ah ula baxday "Xuuthiyiinta".

Zaydiyiintu waxay Yemen xukumayeen taariikhda badan ilaa intii laga tuuray taliskii Imaamkoodii ee waqooyiga Yemen sanadkii 1962-kii.

Sacda oo ah magaalo ku taalla waqooyiga galbeed ee Yemen, Xuutiyiinta waxay dowladda dhexe ka fogeeyeen gacan ku haynteeda iyagoo dadka deegaanka go'doomintaas ka dib ay isku tashadeen samaysteenna in iyagu ismaamulaan

Cilmi baadhe Ingiriis ah oo arrimaha Yemen ku takhasusay oo lagu magacaabo Sheila Weir, ayaa aaminsan in sababta kale ee Xuutiyiinta Yemen usoo baxeen ay tahay fiditaanka kooxaha Salafiga iyo Wahaabiyada oo saamayn ku leeyihiin dalkaasi ay sii korortay.