Afar arrimood oo ku saabsan hubaal la'aanta wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Masiirka wadahadalka ee Iiraan iyo Mareykanka ayaa galay xaalad hubanti la'aan ah iyadoo xilliga xabad joojinta uu gabo gabo ku dhow yahay. Waxa hadda muuqda maaha oo kaliya ismariwaaga diblumaasiyadeed, balse waxaa sii kordhaya hadalada xanafta leh, hanjabaadda iyo wararka iska soo horjeeda ee labada dhinac.
Sida ay sheegayaan warar kala duwan, weli lama hubo in Iiraan ay ka qayb qaadan doonto wadahadallada soo socda ee la qorsheeyay in lagu qabto Pakistan. Halka wararka qaar ay tilmaamayaan in Tehran ay ka fikirayso ka qayb galka, qaar kalena waxay sheegayaan in laga yaabo inay gabi ahaanba isaga baxdo xaalada kacsan ee hadda jirta.
Dhanka kale, xaaladdu waxay noqotay mid sii cakiran kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo hoggaaminaya kooxda wada xaajoodka, JD Vance, uusan weli u safrin Pakistan, sababo la xiriira hubanti la'aanta ka qaybgalka Iiraan.
Xaaladdan oo kale, wada-hadallada ayaa u muuqda kuwo is dhex-marinaya rajada dublamaasiyadeed iyo khatarta ah inay dib ugu laabtaan khilaaf ballaaran. Waxa jira afar sababood oo keenay in wadahadalladani ay gaaraan xaalad cakiran.
Hadallo Khasab iyo hanjabaad wata
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray in Maraykanku "uu ku hogaaminayo dagaalka ka dhanka ah Iiraan farqi weyn" wuxuuna intaa ku daray in "arrimuhu si wanaagsan u socdaan" isagoo sheegay in milatariga Maraykanku ay dadaal ku socda "si la yaab leh".
Oraahyadan ayay falanqeeyayaashu u arkeen inay sii kordhinayaan cadaadiska siyaasadeed halkii ay abuuri lahaayeen jawi wadahadal. Halkii laga isticmaali lahaa luqadda dib-u-heshiisiinta, adeegsiga ereyga "dagaal" waxa uu sii kordhiyay walaaca laga qabo jihada colaadda.
Dhinaca kale, Iiraan ayaa ku jawaabtay mowqif adag, taasoo muujineysa inaysan aqbali doonin wadahadalo hanjabaad ah, xaaladan oo sii kala fogeyneysa labada dhinac.
Qabsashada markabka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ciidamada Mareykanka ay qabteen markab xamuul oo laga leeyahay Iiraan oo ku sii jeeday dekedda Bandar Cabaas. Dhacdadan ayaa timid kadib markii la sheegay in markabka uu isku dayay in uu jebiyo go'doominta uu Mareykanka saaray.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo bandhigay sawirro iyo muuqaallo muujinaya ciidamada oo qabsanaya markabka, tallaabadaas oo loo arkay inay calaamad u tahay sii socoshada dhaq-dhaqaaqa militariga xitaa inta lagu guda jiro xabbad joojinta.
Iiraan ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabadaas, waxayna ku tilmaantay tallaabadaas "burcad-badeednimo milateri", waxayna ka digtay inay diyaar u tahay inay si adag uga jawaabto. Waxay kaga jawaabtay weerar ay ku qaaday maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.
Iiraan waxay u aragtaa kaftan, 'ayadoo la gorgortamay in haddana marakiibteenna la qabsado'. Dhacdadan ayaa sii kordhisay xiisadda, waxayna hoos u dhigtay kalsoonidii labada dhinac.
Iiraan oo ku kala qaybsan ka qayb galka wadaxaajoodyada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wararka ka imanaya gudaha Iiraan ayaa sawiro kala duwan ka bixinaya ka qayb galka wadahadalada soo socda. Qaar ka mid ah ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Tehran ay sii waddo inay "si qoto dheer u baarto" suurtagalnimada ka qaybgalka, iyada oo la qiimeynayo xaaladaha jira.
Si kastaba ha ahaatee, hadallada ka soo yeeray madaxda sare ayaa noqday kuwo aad u adag. Afhayeenka baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf ayaa sheegay in Iiraan "aysan aqbali doonin wadahadalo hanjabaado ah," isagoo intaa ku daray in qaranku uu isku diyaarinayo inuu tuso "kaarka cusub ee goobta dagaalka" labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Laakiin markii dambe Pakistan waxay sheegtay inay la hadlayso hoggaanka sare ee Iiraan, oo ay ka muuqato calaamado muujinaya ka qaybgalka wadahadallada, oo hadda loo qorsheeyay inay qabsoomaan maanta.
Hadalkan siyaasadeed ee isku dhafka ah ayaa si cad u muujinaya in aan weli la isku raacsanayn gudaha Iiraan in wadahadalku sii socdo iyo in kale. Taasina waa caqabad kale.
Arrimo hore oo weli aan la xallin
Inkasta oo ay jiraan isbeddello cusub, haddana udub-dhexaadkii colaaddu isma beddelin. Arinta ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan iyo marin biyoodka Hormuz ayaa ah halka ay salka ku hayso xiisadda, iyadoo dhinac walba uu mowqif adag ka taagan yahay.
Maraykanka ayaa barnaamijkan u arka mid khatar ku ah amniga caalamka, halka Iiraan ay u aragto in ay xaq u leedahay horumarinta tignoolajiyada rayidka. Kala duwanaanshiyahani waxa uu soo jiray sanado badan walina si rasmi ah looma xallin.
Tani waxay ka dhigan tahay in xitaa haddii aysan jirin xiisado cusub, uu wada xaajoodku adkaan karo. sare u kaca caqabadaha cusub ayaa xaaladda ka dhigaya mid laban-laabanta.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo