Weerar lagu qaaday Magaalada Istanbul
Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sodon iyo shan qof la dilay halka afartan kalena ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan u weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbul
Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ku lug lahaa weerarka loo geystay goobta lagu caweeyo ee Reina, ee deeganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah

Xigashada Sawirka, AP
Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ninka hubeysan u gudaha u galay goobta lagu caweeyo isaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.
Mid kamid ah ciddamada booliska ayaa weerarkaasi ku nafwayeey.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baaritan ku sameynaya ayadoo gawaarida gurmadka degdega ahna ay ku suganyihiin goobta weerarka u ka dhacay.
Boqolal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.






