Sawirrada noolashii Boqorad Elizabeth II

Xigashada Sawirka, PA Media

Noolasha Boqorad Elizabeth II ayaa ahayd mid aan ka qarsooneyn dadweynaha. Waxaan dib u eegaynaa sawirro laga qaaday iyadoo yar iyo markii ay xukunka la wareegtay ee ay noqotay Boqoradda ugu mudada dheer Britain.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii April 1926 ku dhalatay guri ku yaalla magaalada London. Waxa ay ahayd curadda amiir Albert oo uu dhalay boqor George V. Hooyadeed waxay ahayd Elizabeth Bowes-Lyon. Sawirkan waa Boqorad Elizabeth oo ilmo ah, waxaana la qaaday May 1926

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ma jirin cid saadaalin kartay in gabdhan yar ay mar noqon doonto Boqorad muddo dheer xukunka haysa. Sawirkan waxaa la qaaday 1929, waxaana ay xilligaa ahayd amiirad Elizabeth

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa la sheegay in iyada oo yar ay muujisay mas'uulnimo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Elizabeth iyo walaasheed ka yar Margaret Rose oo dhalatay 1930, ayaa waxbarashadooda ku qaatay guriga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kadib markii uu Boqor Edward VIII xilka ka tegay 1936, George VI ayaa noqday Boqorka cusub, Elizabeth ay noqotay dhaxal-sugaha.

Xigashada Sawirka, Topical Press Agency / Getty Images

Qoraalka sawirka, Intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida, Elizabeth iyo walaasheed Margaret ayaa la geeyay Windsor. Sawirkan waxa uu muujinayaa iyaga oo la hadlaya dalka, oo farriintooda marinaya barnaamijka Saacadda Carruurta ee BBC.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Amiirada da'da yar ayaa muddo kooban ku biirtay guutada Auxiliary Territorial Service (ATS) markii uu gebagebada ahaa dagaalka, waxaana ay baratay sida loo wado, loona dayactiro gawaarida xamuulka ah.

Xigashada Sawirka, Bert Hardy / Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii 1947 waxa ay guursatay nin ay qaraabo yihiin, Philip Mountbatten, oo noqday amiirka Edinburgh

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Canugoodii koobaad, Charles (sawiran), ayaa dhashay 1948, waxaana xigay gabar loo bixiyay Anne oo dhalatay 1950

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Elizabeth ayaa aad ugu dhaweyd hooyadeed. Sawirkan waxaa la qaaday 1951 iyagoo u socda aroos.

Xigashada Sawirka, Universal History Archive

Qoraalka sawirka, June 1953, Elizabeth ayaa noqotay Boqorad, kadib markii uu geeriyooday aabaheed.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Sanadkii 1957, Boqoradda ayaa markii ugu horreysay jeedisay khudbadda ciidda Kirismaska oo ay kula hadashay waddankeeda.

Xigashada Sawirka, Mirrorpix / Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa sanadkii 1969 markii u horreysay la baahiyay filinka Qoyska Boqortooyada. Waxa ay dadku ogaadeen noolasha qarsoon iyo tan shaac baxsan ee Boqoradda iyo qoyskeeda.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Sanadkii 1977, Boqoradda ayaa u dabaaldegtay sanad-guuradii 25-aad ee marka ay xukunka la wareegtay. Waxaa la kulmay dad ku faraxsan hogaaminteeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii 1981, curadkeeda Charles ayaa guursaday Diana Spencer. Waxa ay isu dhaleen William iyo Harry, ka hor inta aanay kala tegin. Diana ayaa sanadkii 1997 ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Paris.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Kadib geeridii Diana, Boqoradda oo lagu dhaliilay inay muddo ka aamusnayd ayaa markii dambe u soo baxday goob bannaanka qasriga Buckingham ah, waxaana ay khudbad toos ah u jeedisay dalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii 2002, waxaa geeriyooday Boqoradda hooyadeed iyo walaasheed oo kala dambeeyay muddo 50 beri ku dhaw.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Wiilka ay ayeyda u tahay ee Amiir William ayaa sanadkii 2011 guursaday Catherine Middleton.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Boqoradda oo bishii June 2016 u dabaaldegtay sanad-guuradeedii 90-aad ayaa waxaa xafladeeda dhalashada kala qeybgalay xubnaha qoyskeeda.

Xigashada Sawirka, Chris Allerton / SussexRoyal

Qoraalka sawirka, Boqoradda oo eegaysa wiil uu dhalay wiilka ay ayeyda u tahay ee Amiir Harry.

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Amiir Philip oo ay u dhaxday Boqorad Elizabeth II ayaa geeriyooday 9-kii April 2021, isagoo jira 99 sano.