Doorashada Kenya 2022: Tirinta tooska ah ee codadka iyo halka la kala marayo
Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee Kenya ayaa soo xirmay. Afar murashax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha. Codbixiyayaasha waxay sidoo kale dooranayaan gabarnatoorayaal, senataro, xildhibaanno iyo xubnaha golaha deegaanka.
BBC-da waxay adeegsaneysaa macluumaad laga helay bogga rasmiga ah ee Guddiga Doorashada Kenya(IEBC) si ay u soo gudbiso isku darka natiijada hordhaca ee doorashada madaxweynaha.
Maadama guddiga uu ku guda jiro hannaan uu ku xaqiijinayo tirinta, waxaa sidaa darteed laga yaabaa inuu jiro dib u dhac qaabka ay BBC-da u soo gudbineysa tirada.
Si waafqasan sharciga Kenya, Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayay tahay inay shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}