Sawirrada toddobadka iyo Afrika: May 2021

Xulka sawirrada ugu sarreeya toddobaadkan ee qaaradda Afrika:

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxda Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo xiray shirkii ku saabsanaa arrimaha doorashada ee heshiiska laga gaaray. Waxaa kullanka fadhiyay saxiixeyaasha heshiiska, madaxweynaha, iyo madax hore. Waa Khamiistii.

Xigashada Sawirka, Gobolka Banaadir

Qoraalka sawirka, Madaxda Maamul Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Wasaaraha oo u dalxiistagay xeebta Liido Jimcihii

Xigashada Sawirka, Gobolka Banaadir

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah shacabkii ku sugnaa xeebta oo u gacmo haatinaya madaxdii halkaas ku sugnayd.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ifraax Axmed, oo ah Soomaali haysata sharciga Ireland, waxay sawirka ku gashay Madxafka dadka Soogalootiga ah ee EPIC, ee bartamaha magaalada Dublin. Waxay ku dhalatay xero qaxooti, ka dib markii Soomaaliya uu dagaalka ka bilowday, ka dib Ifraax waxaa loo tahriibiyay Ireland, iyadoo aad u da'yar. Hadda waxay u ololeysaa arrimaha bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka deggan caasimadda Sudan ee Khartuum, waxay dhex fariisteen biyaha webiga Nile si ay qabow ugu helaan cagahooda. Dhallinyaradan Waxay Talaadadii fariisteen meesha ay ku kulmaan Nile-ka buluugga ah iyo Nile-ka Cad.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Gabadh ardey ah oo muddo laba biloow ah afduub loogu haystay Keymaha Nigeria, oo ku dhex nasaneysa jikada gurigooda oo ku yaalla Kaduna.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sawirro aan caadi ahayn ayaa Isbuucan laga helayay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo, halkaasoo ay ka dhacday foolkano ka kacay Buuraha Nyiragongo, Sabtidii la soo dhaafay.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Holaca iyo iftiinka foolkaanada oo laga arkayay meel u dhow Goma, maalintii labaad...

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dadka ka qaxay foolkaanada waxay u tallaabeen dhanka Rwanda, waxayna Axadii seexdeen jidadka...

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ka dib markii dhacdada foolkaanada iyo dhul ruxanka ay sii socdeen, shacabka Goma waxay Khamiistii dib u billaabeen barakac. Maamulka waxay ku baaqayaan in dadka laga saaro aaggaas.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Farshaxaniiste u dhashay Kenya oo Nairobi ku sawirrada ninkii xuriyadda u dagaallamay Dedan Kimathi Waciuri, Talaadadii oo ahayd Maalinta Afrika.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nin taageero u ah Jacob Zuma oo xirtay gafuur-xir la yaab leh, xilli uu madaxweynihii hore ee South Afrika, uu beeniyay in uu galay dembi. Arbacadii ayey Maxkamad bilowday dhageysiga dacwadda ku saabsan musuqmaasuqa.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Luna Solomon, oo ka soo jeeda dalka Eritrea, oo shiishka ku baraneysay dalka Switzerland, waxayna rajeyneysaa in ay ka qeybgasho tartanka 10m ee shiishka, iyadoo qeyb ka ah Kooxda Qaxootiga ee ciyaaraha Olympic.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nin geel ku soo dhoweynaya dalxiiseyaasha dib ugu noqonaya xeebta Sousse ee dalka Tunisia.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Nin Kireeya baaskiillada oo ku sugan duleedka Monrovia, caasimadda Liberia, oo uu dul tagan yahay wiil yar oo ka mid ah macaamiishiisa - Waa Isniintii saiwrkan.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, laba nin oo ka kalluumeysaneysa Webiga Niger, waxaana u muuqda caasimadda dalka Mali ee Bamako, Waxay ahayd Talaadadii xilli gabal-dhac ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Nigeria, Goodluck Jonathan, oo booqanaya magaalada Bamako ee Mali, wuxuu aad isugu deyayaa in uu dhexdhexaadin ka sameeyo sidii loo sii deyn lahaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Mali. Waxaa la xiray ka dib afgembigii labaad ee dalkaas ka dhaca, sagaal bilood gudahood.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, FKa dib jahwareerka ay la kulmeen shacabka Nigeria, waxay dibad bax ka dhigeen magaalada Abuja, waxayna ka soo horjeedaan afduubka dalkaas saameynta ku yeeshay...

All photos subject to copyright.