COVID-19 Ramadaanka oo bilowday sanadkii labaad oo dunida coronavirus

Malaayiin Muslimiin ah ayaa u gudo galay bisha soon waxayna ku soo dhaweeyaan Soon iyo Salaadd iyo cibaadooyin kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muslimiin ku tukanaya salaadda Taraawiixda masaajid ku yaalla magaalada Washington, ee dalka Mareykanka

Dunida Muslimka ayaa laga Soomayaa iyadoo sannadkii labaad uu caalamka ka jiro fayaraska karoona oo xanibay waxyaabo badan oo ay ahayd in ay sameeyaan dadka Sooman ee Muslimiinta ah ee la xiriira cibaadada bishaan lagu wajaho.

Soonku waa cibbaado bulshada Muslimiinta ah u horseeda degganaansho iyo Alle u dhawaansho sidoo kale dadka waxay dareemaan caafimaad maadama uu qofku Soomanyahay maalintii oo dhan.

Sawiradaan ayaa ah kuwo muujinaya sida ay Muslimiinta dunidu u soomayaa bishaan Ramadaan ee bilowga ah.

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Qoraalka sawirka, Waa qaar ka mud ah Muslimiinta dalka Indonesia

Bishaan barakeysan ee Ramadaan waa bil khayr badan oo ay is caawiyaan dadka Muslimiinta ah. Dadka dhaqaalaha haysta waxay bixiyaan sadaqo badan oo ay siiyaan dadka masaakiinta ah ee aan wax haysanin.

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Qoraalka sawirka, Sida shacabka magaalada Gaza ay u soo dhoweeyaan bisha barakeysan ee Ramadan.

Soonku waa tiirka afraad, ee shanta tiir ee islaamka, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo qaan gaar ah ee caafimaad ahaan awooda inuu soomo.

Qofka wuxuu ka soomayaa cuntada, cabitaanka iyo galmada iyo wax kasta oo soonka buriya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qoraxda marka ay dhacdo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waa dalka Ciraaq iyo sida bisha Soon looga soo dhoweeyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadkaan ka muuqda sawirrada waxay ku dabaal degayaan dalka Indonesia waana hab dhaqan u ah oo ay ku soo dhaweynayaan bisha Ramadaan

Maadaama ay kala duwanyihiin wakhtiyada qaaradaha, bulsho walba Soonku wuxuu u bilowdaa wakhti, sidaas si la mid ahna waxaa la afuraa wakhtiyo kala duwan.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Halkaan waa Masaajid ku yaalla gudaha dalka Pakistaan oo la buufinayo si looga taxadaro faraska karona

Waxaa dhaqan u ah bulshada Muslimiinta ah, marka la gaaro bishaan Soon, in dadka ay wadaagaan cuntooyinka oo qoysaska ay afur u sameeyaan dad badan, kuwaas oo hal meel cuntada kuwada cuna.

Balse hadda arrintaasi way adagtahay sababtoo ah waxaa jira xayiraadaha fayraska karoona oo aan saamaxeynin in dad badan hal meel la isugu keeno.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Masaajid ku yaalla Washington

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa Muslimiin tukanaya Salaadda Taraawiixda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency

Dalka Imaaraadka wuxuu dadka ugu baaqay in ay kala fogaadaan isla markaana aaney isku imaan oo aaney wadaagin cuntooyinka, si looga dheeraado faafitaanka cudurka karona.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Waa wiilal da'yar oo aqrinaya Qur'aanka Kariimka ah gudaha Masaajid ku yaalla dalka Indonesia

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Waa araday ku tukanaya Masaajid ku yaalla Indonesia

Dalka Bangladesh, dowladda ayaa ku dhawaaqday in hal toddobaad ay soo rogtay xayiraado adag oo si rasmi ah u dhaqangalay shalay, 14-kii April.

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Qoraalka sawirka, Dad badan oo ku sugan suuq khudaarta lagu iibiyo, halkaani waa dalka Bangladesh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad u dabaal dagaya bisha khayrka ee Ramadaan iyo magaalada qadiimiga ah ee Mosil ee dalka Ciraaq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Carruur sawirro isaga qaadaya bannaaka magaalada Mosil ee dalka Ciraaq

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ninkaan dhallinyarada ah ee ku sugan gurgiisa waxaa uu aqrinayaa Qur'aanka kariimka ah

Xigashada Sawirka, AFP

Dhammaan sawirradan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho.