Sawirro muujinaya waayihi kubadda cagta xiddiiggii reer Arjentina ee Diego Maradona ee geeriyooday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diego Maradona oo la sawiran xaaskiisi hore Claudia iyo labadiisa gabdhood Dalma iyo Gianina xilli ay socdeen koobka ciyaaraha kubadda cagta addunka ee sanaddi 1986-kii.

Sawirradan kooban ee quruxda badan ma aha kuwa sawir dhammeystiran ka bixinaya waayihiisi kubadda cagta. Diego Maradona wuxuu ahaa ciyaartooy kubadda cagta hibo weyn u lahaa haddana waayahiisaasi muran badan uu ka taagnaa.

Sawir ahaan waxaan ku eegeynaa noolashiisi ka soo billaabatay dalkiisa hooyo ee Argentina ilaa iyo guushiisi Talyaaniga iyo guulihiisa ciyaaraha koobka kubadda cagta adduunka ilaa iyo maandooriyihi uu isticmaalayey ee noolashiisa la hadhay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Billowgi Maradona wuxuu ahaa kulankiisa ugu horreeyey uu koobka adduunka uu u saftay sanadki 1982-kii wuxuu ahaa ciyaarti dhexmaray Argentina iyo Spain, balse afar sano kaddib ayey riyadiisa guusha u rumoowday.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diego waxaa lagu xusuustaa goolki uu ka dhaliyey kooxda Britain isaga oo adeegsaday gacantiisa bidix, goolkaasi oo uu xigay goolkiisa qarniga ee dunida ka yaabiyey.

Xigashada Sawirka, Rex Features

Qoraalka sawirka, Maradona oo hormuud u ahaa guushi ay Argentina koobka adduunka ku qaaday 1986-kii wuxuu ku muteystay abaalmarinta laacibka tartankaasi ugu wanaagsanaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir Maradona laga qaaday 2001-dii, xilli uu halgan adag uu ugu jiray inuu hilib iska dhimo kaddib marki ay noolashiisa la hadhay isticmaalka maandooriyaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maradona wuxuu tababare uu u noqday xulka kooxda Argentina u safatay koobki 2010-kii oo Leonel Messi uu ka mid ahaa ciyartooydi u safatay balse Argentina 4-0 waxaa ku karbaashtay xulka Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maradona oo gacanta ku hayo sawirkiisa oo weyn xilli ay 2018-kii Ruushka ku wada ciyaarayeen Argentina iyo Nigeria.