Sawirradii Afrika ee todobaadka: 5 - 11 June 2020

Waa qaar ka mid ah sawirradii ugu wanaagsanaa ee aynu idinkaga soo xulnay qaaradda Afrika iyo goobo ka baxsanba.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Talaadadii booliska Kenya ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa waxa ay jiidayaan naxash faaruq ah oo ay ka tageen dibadbaxayaal isugu soo baxay si ay u muujiyaan caradooda ku aaddan tacaddiyada booliska...

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ... mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ah haweyney uu dhintay nin la dilay intii uu socday bandowga habeenkii ah ee la soo rogay si loo xakameeyo faafitaanka fayraska korona.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sabtidii dad ayaa sidoo kale isugu soo baxay caasimadda waddanka Ghana ee Accra oo taageero u muujinaya dadka Mareykanka ku dibadbaxaya ee ka soo horjeeda dilkii George Floyd.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka Koonfur Afrika ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo kaddib markii xayiraadihii la khafiifyay, dadka goobahooda ku laabtay waxaa ka mid ah baadariga Koonfur Afrika Paseka Motsoeneng oo Axaddii tegay xaruntiisa Ekurhuleni...

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ... hogaamiyayaasha diinta ayaa waxa ay ilaalinayaan tilmaamaha xayiraadaha, sida in heer kulka la baaro ee masjidkan ku yaal magaalada Johannesburg kaas oo Jimcihii ay dadka ku tukanayeen...

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ... halkaas oo dadka cibaada masjirka u aaday ay si dulqaad badan saf ugu jireen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isla maalintaas, booliska la dagaalama rabshadaha ayaa waxa ay indhaha ka hayeen jamaaco Jimcaha ku tukanaysay magaalada Bamako ee Mali....

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ... sababtoo ah mid ka mid ah dadka ugu saameynta badan siyaasadda Mali ayaa ku sugnaa masjidka, Imam Mahmoud Dicko ayaa salaadda kaddib ku baaqay in la isu soo baxo...

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ... Kumannaan qof ayaa isu soo baxay si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Isla maalintaas dibadbaxayaashu waxa ay u jihaysteen xarunta dhexe ee booliska Nigeria ee Abuja si ay u dalbadaan in la shaaciyo dadka gala dambiyada galmada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sidoo kale Jimcihii, nin ayaa waxaa magaalada Johannesburg, ee Koonfur Afrika oo laga baarayo fayraska korona.

Sawirrada waxaa iska leh AFP, EPA iyo Reuters.