Sawirrada noloshii Mugabe

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 1980-kii, hoggaamiyihii Midowga Qaran ee African Zimbabwe waxaa ra'iisul wasaare loo doortay markii uu dhammaaday xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay ee Gumeystihii British-ka ahaa ee haystay Rhodesia (haddana lagu magacaabo Zimbabwe).

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Mugabe waa hoggaamiyaha keli ah ee Zimbabwe ay garaneyso xurriaddii ka dib. Wuxuu xukunka hayay tan iyo 1980. Sawirkan oo ahaa March 1980, wuxuu la sawiran yahay Amiir-ka Wales xisbigii kale ee Zimbabwe ZAPU, Joshua Nkoma iyo xoghayihii arrimaha dibadda Britain, Lord Carrington.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wuxuu ku soo caanbaxay hoggaaminta dagaalladii lagula jiray caddaanka. Waxaa dhankiisa bidix ka fadhiyo Joshua Nkomo. Markii dambe way iskhilaafeen..

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Mugabe, wuxuu halkan la taagan yahay Ra'iisul wasaarihii UK Margaret Thatcher, sannadkii 1980-kii. Markii hore wuxuu cadowgiisii caddaanka ku wajahay hannaan wadahadal isagoo u ogolaaday in dhaqaalahooda ay haystaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mugabe waxay dalka isla maamulayeen madaxweynihii hore Canaan Banana illaa 1987-dii, ka dib ayuu noqday madaxweynaha. sawirka waa 1986

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka Zimbabwe waxay sheegaan in xaaladda ay xumaatay markii uu guursaday Grace, sannadkii 1996-dii. Lamaanaha waxaa sawirkan laga qaaday iyagoo booqasho u joogay Vietnam, sannadkii 2001.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sannadkii 1995, Mugabe wuxuu la kulmay Bill Clinton, laakiin wuxuu dib ula soo noqday dhaqaale dhulka galay. Wuxuu wajahay mucaarad, balse dagaal ayuu kaga guuleystay.

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Mugabe wuxuu dhibaatada Zimbabwe ku eedeeyay caddaanka iyo Britain, gumeystihii hore.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Laga soo billaabo 2000 iyo wixii ka dambeeyay wuxuu wajahayay mucaaradad adag oo kaga timid raggii ay halganka iskula jireen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maleeshiyo xilligaas sameysantay oo isaga taageersanayd wexey weerartay dadkii mucaaradka ahaa, waxayna xoog kula wareegeen hantidii ay heysteen caddaanka, sida beeraha.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay laba rabshadood oo la xiriiray doorashada uu Mugabe ku guuleystay, inkastoo reer galbeedka uu ku eedeeyay in ay shirqoolayaan si ay sumcaddiisa u dilaan.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Isagoo ahaa masiixi, wuxuu sheegay in ducadiisa la aqbalay si uu uga guuleysto cadowgiisii iyo dhulkii ugu badnaa ee caddaanka ay haysteen.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Muddadii u dhexeysay 2000 illaa 2010, dhaqaale xumo aad u ba'an iyo sicirbarar ayaa ka dhacay Zimbabwe, kuwaas oo siyaasad ahaan dhaawacay. Bishii March, 2008, mustaqbalkiisa wuxuu u muuqday mid aan degganeyn oo sabeynaya xilligaas oo doorasho madaxweyne ay ka dheceysay Zimbabwe.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ka dib guuldaradiisii ahayd inuu waayay codad ku filan, si uu uga fogaado doorasho ku celis ah ee uu ka wajahay Morgan Tsvangirai. Mugabe wuxuu sheegay inuu is dhaarinayo, alle oo keli ahna "uu xafiiska ka saari karo". Iyadoo qalalaasaha siyaasadda uu sii kordhayay ee dhanka xisbiga talada haya, Tsvangirai wuxuu isaga haray codeynta.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhaqaale xumada way ka sii dartay, Mugabe-na wuxuu ogolaaday awood qeybsi oo kula heshiiyay ninkii ay is hayeen, wuxuuna ka dhigay Ra'iisul Wasaare.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, In kastoo saadaasha ah in maamulka Mugabe uu dhoco ay ahayd mid aan habooneyn, haddana cadaadiska wuu sii badanayay. Sannadkii 2011, xiriir diblumaasiyadeed oo Mareykanka oo ay baahisay Wikileaks, waxaa lagu sheegay inuu qabo kansar.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taas waxaa baahiyay warbaahin aad u badan. "marar badan ayaan dhintay - waa halkan aan masiixi uga guuleystay. Wuxuu dhintay hal mar, hal marna waala soo nooleeyay Masiixi", ayuu yiri markii uu u dabaaldegayay sannadguuradiisii 88-aad.

Xigashada Sawirka, Keystone / Getty Images

Qoraalka sawirka, Robert Mugabe, 1924 - 2019