Weerar seddex qarax ah oo Muqdisho ka dhacay
Seddex qarax oo ah gawaari waxyaabaha qarxa lagu guray ayaa la sheegayaa in ay goor dhow ka dheceen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada midkood ayaa la sheegayaa in gaarigii siday uu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.
Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.
Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayaa la sheegayaa in uu qaraxa seddexaad oo isna gaari saarnaa uu ka dhacay.
Xigashada Sawirka, Social Media
Xigashada Sawirka, Social Media
Waa markii ugu horraysay ee seddex gaari oo qaraxyo sida mar qura lagu weeraro goob ku taalla Muqdisho.
Weli ma jirto cid sheegatay, lamana oga khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, waxaase dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in la arkayo gaadiidka giurnadka degdegga oo dhaawacyo daad guraynaya.
Wariyaha BBC wuxuu soo sheegay in rasaas laga maqlayo halka ay qaraxyadu ka dheceen.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo