Weerar lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Muqdisho
Xigashada Sawirka, Abdirizak Atosh/BBC
Qaraxa ayaa la sheegayaa in laga maqlay meel u dhow isgoyska sayidka, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha.
Qaraxa ka dib ayaa rasaas la maqlay, waxaana ku xigay qarax kale.
Wararka laga helayo dad jooga meel u dhow halka uu qaraxu ka dhacay waxay sheegayaan in loo badinayo weerarku inuu yahay mid qorshaysan, dableydii qaaddayna ay gudaha u galeen xarunta Otto Otto.
Xerada Otto Otto waxay ka soo horjeeddaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna qiyaastii in ka yar hal KM u jirtaa madaxtooyada Soomaaliya.
Xaalad jaha-wareer ah ayaa nawaaxigaas oo dhan ka jirta, lamana oga khasaaraha inta uu le'eg yahay.
Wixii soo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbinaynaa.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo