Qarax ka dhacay Kabul oo qasaaro gaystay
Xigashada Sawirka, BBC AFGHAN
In ka badan 70 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bartamaha caasimada Afqanistaan ee Kabul, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.
Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay
Mid ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa ku warantay in dhowr qof ay ku dhinteen weerarkan.
Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Kabul.
Toddobaad ka hor kooxda Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Huteel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}