Sawirro : Xukunkii Mugabe ee muddada dheer

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Robert Gabriel Mugabe waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay iskuul kaniisad leedahay, kadibna waxa uu u tabobartay macalinimo, isaga oo ka qalinjabiyay jaamacadda Fort Hare (Koonfur Afrika), oo ahayd jaamacaddii Nelson Mandela uu wax ku bartay. 1958 ayuu aaday in uu ka shaqeeyo Ghana

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waxa ay kulmeen xaaskiisii koowaad Sally Hafron oo ay is guursadeen 1961.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Markii xabsiga laga soo siidaayay 1974, waxa uu noqday hoggaamiye caan ah oo jabhad ah dagaalkii lagula jiray xukunka caddaanka tirada yar isaga iyo halgamaagii Joshua Nkomo (Midig)

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waxay aqbaleen in ay hubka dhigaan, kadibna waxa ay ku guuleysteen doorashadii dhacday 1980-kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Robert Mugabe ayaa Zimbabwe ku laabtay lix todobaad uun ka hor doorashii kadib 10 sano oo musaafuris ku maqnaa, kadib waxa uu noqday Ra'isulwasaare dowlad wadaag ah.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii Cuba Fidel Castro (dhexda) oo ay wada qoslayaan madaxweynihii hore ee Zimbabwe Canaan Banana (Midig) iyo Ra'isulwasaarihii Zimbabwe Robert Mugabe (Bidix) kadib booqashadii uu ku tagay Harare 31 August 1986

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Mugabe waxa uu xiriir dhow la lahaa Ra'isulwasaarihii Britain Margaret Thatcher

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mugaben ayaa guursaday Grace Marufu, sanadkii 1996 sanado kadib markii ay geeriyootay xaaskiisii koowaad. Waxa ay isu hayaan labo wiil.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kadib markii dowladdii Tony Blair ee UK ay diiday in ay maalgaliso siyaasaddii dhulka ee muranka badan dhalisay 1997-dii, iyo markii uu ku guuldaraystay aftidii la qaaday 3 sano kadib , maleeshiyaad Mugabe taabacsan ayaa weeraray lana wareegay beerihii caddaanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mugabe ayaa badalay labiskiisii, wuxuuna bilaabay in uu xirto dhar lagu xardhay calanka dalkaas

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sanad kasta xisbiga Zanu-PF ayaa xaflad dhalasho u dhigi jirey Mugabe, waxayna noqotay wax caado ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa toorte weyn oo lagu xusayo sanad guuradiisa dhalasho ee 92 jirka markii uu noqday, 2016-kii.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waraaqo muujinaya sawirka Mugabe xili lagu jirey ololaha doorashada sanadkii 2008-dii, balse lagu kor xardhay magaca xisbiga mucaaradka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Gabadha kaliya ee uu dhalay Bona Mugabe oo qalin jabinaysa 16-kii November, 2015-kii, dalka Singapore.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mudaaharaadayaal kasoo horjeeda Mugabe

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidammada Zimbabwe markasta waa ay barbar taagnaayeen Mugabe, halkan waa dabaaldega sanadguuradii 28-aad ee xornimada Zimbabwe Bishii April, 16, 2008.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mugabe oo ku sugan xaflad qalinjabin ah November, 2017-ka maalmo kadib markii ciidanka awoodda la wareegeen.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mugabe ayaa is casilay kadib mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo, iyo culees badan oo la saaray.