Sawirro: Daadad ka dhashay roobab xoog leh oo magaalada Houston ka da'ay

Sawirro laga soo qaaday magaalada afaraad ee Maraykanka ugu weyn, ayadoo la daalaa dhacaysa daadad gaaraya kala bar qof joogiis.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Roobab xoog leh oo yimid ka dib duufaantii Harvey ayaa dhaliyey daadad ilaa kala bar qof joogiis gaaraya qaybo ka tirsan magaalada Houston.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waddooyinka qaar ayaa noqday sidii wabi oo kale, sida ugu sahlan ee dadka lagu samata bixin karayna waxay ahayd in doomo la adeegsado.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, In ka badan 25 sentimitir oo roob ah ayaa ku da'ay qaybo ka tirsan Houston, 30-64 sentimitir-na waxaa la filayaa dhowrka maalmood ee soo socda, sida ay saadaalisay hay'adda saadaasha qaranka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Roobabka sidan u xoogga badan ee ka da'ay Houston lama sii filayn sida ay saraakiishu sheegeen. Roobka iminka da'ay ayaa la mid ah kii sannad ku di'i lahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxaha samata bixinta ee shaqadu ka badatay oo dadka faray inay u baxaan dhul sare iyo guryaha dushooda, laakinse aanay aadin dabaqyada, si ay helikobtarrada samata bixintu u qaadi karaan. In ka badan 1,500 oo samatabixin ayaa ilaa hadda la sameeyey.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Houston waxay u furtay tiro xarumaha bulshada ah dadkii guryahooda uga soo cararay cimilada xumaatay darteed, laakinse duqa magaalada wuxuu dadka u sheegay inay guryahooda joogaan oo aysan gargaar degdeg ah wacan, in khatar nafsadeed ay dareemaan mooyee.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Khubarada caymiska ayaa ka digay in khasaaraha fatahaadda ee gobolka Texas ay la mid tahay burburkii ay dhalisay duufaantii Katrina 2005 oo ahayd masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu khasaaraha badnayd taariikhda Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka 911 ee Houston waxay heleen 56,000 wicitaan muddo 15 saacadood gudahood ah - taasoo 7 goor ka badan hal maalin oo shaqo caadi ah ay qabtaan wicitaannada u soo dhaca.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xuddunta duufaanta waxaa lagu qiyaasay meel 125 Mayl u jirta Houston, laakin saadaashu waxay sheegaysaa inay u soo dhowaan doonto magaalada wixii loo gaaro Arbacada.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Degdegta ay biyuhu sare ugu kaceen ayaa ka nixisay maamulayaasha. Waa sababtaas tan ay dadka reer Houston kaalinta muhiimka ah uga qaateen hawlgalka samata bixinta.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Fatahaaddu waxay dhalisay in la xiro ku dhawaad jid kasta oo weyn oo ku yaalla Houston, warbaahinta maxalligana waxay tebinayaan in ka badan 170 jid oo biyo ay xireen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Akhbaarta aan fiicnayn ee reer Houston ayaa ah in aysan jirin astaan muujinaysa in roobabku ay yaraanayaan dhowrka maalmood ee soo socda.