Lo' diyaarado loogu daabulay Qadar
Xigashada Sawirka, Reuters
Lo' ayaa loo duuliyay Qadar si sare loogu qaado caanaha maadaama oo ay dalkaas cunaqabatayn saareen dalal ay daris yihiin oo uu Sacuudigu hogaaminayo.
165 sac oo caano badan ayaa ka yimid Jermalka iyaga oo qayb ka ah 4,000 oo neef oo la soo dhoofin doono.
Cunaqabatayno dhanka hawada, dhulka iyo badda ah oo la saaray Qadar ayaa jahwareer abuuray maaadaama oo bulshada halkaas ku nool oo 2.7 milyan ah ay waxyaabaha aasaasiga ah ka heli jireen dalka dibaddiisa.
Xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa ka digay in ay tallaabooyin dheeri ah ka qaadi doonaan qadar haddii aysan hirgalinin dalabyadooda.
Shan toddobaad ayaa laga joogaa markii ay Sacuudiga, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta cunaqabatayn saareen dalka Qadar
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo