Kuuriyada Waqooyi: 'CIA-daa maleegtay shirqool lagu dilayo Kim Jong-un'
Xigashada Sawirka, Reuters
Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay "Kim" bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.
Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna "uu baaritaan samayndoono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono" dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.
Xigashada Sawirka, AFP PHOTO/KCNA VIA KN
Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu "xallin doono" arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo