Sawirrada weerarka baarlamaanka ee Britain

Halkan ka daawo sawirrada laga qaaday weerarka ka dhacay dhismaha baarlamaanka Britain

Qoraalka sawirka, Booliiska iyo gawaarida gurmadka degdegga ah oo ku sugan Westminster
Qoraalka sawirka, Dad lugaynayay buundada Westminster ayaa la sheegay in si ulakac ah gaari loo jiirsiiyay
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka degdega ah oo dad ku dabiibaya bannaanka dhismaha Westminster.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Booliis hubaysan oo ku sii ordaya dhanka dhismaha iyadoo Ra'iisalwasaaraha meel ammaan ah la geeyay, hawshii baarlamaankana la joojiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa sheegay in ay dhacdadan ula macaamiltamayaan sidii mid argagixiso tan iyo inta war kaas ka duwan laga helayo

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo dabiibaya booliis uu dhaawac gaaray

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Waxaa la arkay booliiska oo qori ku haya nin dhulka yaalla

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa gacan siiyay dadka dhaawacmay

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Booliiska dhaawacmay oo la sii wado