Sawirro: Barakacayaasha cusub ee Muqdisho gaaray

Boqollaal qoy oo cusub oo abaaraha ka barakacay ayaa gaaray duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraalka sawirka, Caruur iyo dumar ayaa u badan barakacayaasha cusub ee Muqdisho gaaraya
Qoraalka sawirka, Waxay ka soo qexeen gobolka Baay ka dib markii xoolihii ay abaarta ka dhameysay
Qoraalka sawirka, Harraad iyo gaajo ayey uga soo barakeceen goobihii ay deganaayeen
Qoraalka sawirka, Dumar iyo caruur barakacayaal ah oo ku sugan duleedka Muqdisho
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah waxay gargaar ka heleen dadkii ay soo duldegeen
Qoraalka sawirka, Qaar kood waxay shaah ku karsadaan meel bannaan ah
Qoraalka sawirka, Barakacan cusub wuxuu imaanayaa xilli madaxweyne farmaajo uu ku baaqay gurmad degdeg ah
Qoraalka sawirka, Barakacayaashan cusub waxay dalbanayaan in loo gurmado