You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo walaalkiis la dilay
Nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhintay Malaysia.
Ilo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday.
Mid ka mid ah warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay cirbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur.
Meydkiisa ayaa la rumaysan yahay in baaritaan lagu samayn doono.
Kim Jong Nam ayaa ahaa wiilka ugu weyn carruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong Il.