Wiil yar oo 15 jir ah ayaa lagu tooriyeeyay oo lagu dilay magaalada London
Xigashada Sawirka, Google
Wiil 15 jir ah ayaa lagu tooriyeeyay oo lagu dilay wado London ku taalla
Wiilka oo dhaawac ah ayaa laga helay Doyle Gardens, Willesden Isniintii.
Shaqaalaha gawaarida gurmadka degdega ah ayaa wiilka ku daweeyay isla goobtii lagu tooriyeeyay, ka hor inta aysan isbitaal u sii qaadin halkaas oo markii dambe la sheegay in uu ku geeriyooday.
Booliiska baaritaannada ku sameeya dilalka ayaan wali shaacinin aqoonsiga wiilka, laakiin waxay sheegeen in ay war geliyeen qoyskiisa.
Qofna looma qabanin dilkan laakiin waxaa la baadi goobayaa dadkii goobjoogeyaasha ahaa.
Wararka ugu waaweyn
Xul
Ugu Aqris Badan
Macluumaadkan lama heli karo
{{rankTranslation}}