Sawirro: Ciidamada Ciraaq oo sii galaya Mosul

Shan toddobaad ka hor, ciidamada dowladda Ciraaq ayaa bilaabay dagaal lagu looga qabsanayo magaalada Mosul kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS. Jewan Abdi ayaa la socda ciidamada gaarka ah ee ka soo galaya bariga.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Ciidamada gaarka ayaa ku sugaya amar baabuurta ciidamada ee Humvees si ay weerar ugu qaadan Kukjali, oo ah degmo ku taala banaanka bariga Mosul.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Nin haya calan cad isagoo ku soo socda ciidamada Kukjali. dadka intooda badan ee la kulma ciidamada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay arkaan ciidamada, waxayna siiyaan shaah iyo kofee, xataa markii dagaalka uu meel dhow ka socdo.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Ahmed, oo ka mid ah ciidamada, ayaa waydiinaya nin jihada mintidiinta IS iyo rayadka ee deegaanka Kukjali

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Nimanka wax toogta oojooga Kukjali, daqiiqado kadib waxay arkeen maleeshiyo IS oo ay ku fureen

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Markii ay imaadeen Kukjali, ciidamada ayaa ka walwalsanaa rayadka in IS ay beegsadaan oo ay ku dhacaan hoobiyayaal, waxay kula taliyeen inay guriga joogaan.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Ciidamada ayaa ka bixinaya meelaha dadka meelaha ay ku badan yihiin ee Mosul iyagoo galaya guryaha. Guri ku yaala Qadsiya, waxay ka heleen dharka askarta, iyo calanka IS iyagoo si foorar ah u haya.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Abu Daoud, oo hogaaminaya kooxda wax tooganaysa, ayaa la hadlaya taliyahiisa si loo helo meel fiican oo laga arko deegaanka Mualameen ee Mosul. Waxaa tababaray ciidamada Maraykanka, wuxuu ka qayb qaatay dagaalo dhowr ah oo looga soo horjeedo IS tan iyo intii ay qabsatay meelo ka mid ah Ciraaq 2014-kii

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Wiil lix jir ah oo laga daawaynayo dhaawac ka soo gaaray qarax baabuur ee ay IS ku qaaday bariga deegaanka Tahrir ee Mosul oo dilay hal qof.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Afar baabuurta Humvees ayaa qasaaro ka soo gaaray qaraxa. Ciidamada ayaa waqti badan ay ku qaadatay inay sameeyaan baabuurta oo dagaalka lagu gali doono.

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Maxamed ayaa biyo kulul ay lugta ka gubeen. Hooyadiis ayaa keentay kilinik ay maamulaan ciidamada sababtoo ah malaha xarumo caafimaad

Xigashada Sawirka, Jewan Abdi

Qoraalka sawirka, Nolosha ayaa caadi noqon karta boqolaal miter meel ka baxsan dagaalka. Dadka ayaa jidka u soo baxaya, iyagoo la sheekaysanaya askarta