Sawirada qaraxa suuq ku yaal Moqdisho

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, tiro intaa kabadana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku dhex qarxay suuqa beerta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka sawirka, Qaraxa waxa uu ka dhacay suuqa beerta ee degmada Waaberi
Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa dhacay xili uu aad mashquul u ahaa suuqa, isla markaana wadada dhex marta ay gawaari badani isticmaalaysay
Qoraalka sawirka, Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay inuusan arag dhibaatadan oo kale
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen dhowr iyo toban dhimasho ah.
Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay
Qoraalka sawirka, Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyada oo qaybo badan oo Soomaaliya ah ka socoto doorasho.