Sawirrada Noloshii Fidel Castro

Sawirada Fidel Castro, kacaankii la wareegay Cuba ee xukumayay ku dhowaad 50ka sano.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Fidel Castro oo uu dhalay maalqabeen warshad sokorta sameysa lahaa ayaa dhashay 1926-kii. Isagoo nin yar ah ayuu siyaasadda kacaanka qaatay.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Kaddib labo sano oo loo xiray isku day afgambi ee dhicisoobay ayuu Mexico aaday. Wuxuu wadanka ku soo laabtay 1956-dii, isagoo bilaabay dhaqdhaqaaqii kacaanka. Ugu dambeyn Castro wuxuu qabsaday xukunka Cuba maalintii ugu horeysay 1959-kii kaddib markii uu afgambiyay Fulgencio Batista.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, 1961-dii ayey ciidamada Castro ka hortageen 1,500 oo Cuban dibad joog ahaa, waxayna dibad-joogga taageero ka helayeen CIA oo soo dagtay Bay Of Pigs, si ay dowaldiisa u afgambiyaan.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Culeyskii ugu weynaa waxa uu Castro la kulmay 1962-dii, markaasi uu madaxweyne Kennedy faray inuu sawaariiqdii Soviet ka bixiyo Cuba.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ugu dambeyn, hoggaamiyihii Soveit-ka Khrushchev iyo Castro waa qaadeen sawaariiqda, waxaana qaboobay hanjabaadii nuklerka

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Fidel Castro si gaar ah ayuu u jeclaa ciyaarta baseball-ka. Waxaa halkan idinkaga muuqda isagoo ku dheelaya dugsiga macalimiinta ee Sierra Maestra sanadkii 1962-dii.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Cuban badan oo dhexdhexaad ah, ayaa u arka hoggaamiye dadka cadaadiya.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Kumanyaal ayaa dalka ka orday oo Mareykanka tagay

Xigashada Sawirka, Other

Qoraalka sawirka, Fidel Castro ayaa taageero ku filan ka helay dadka si uu u noqday mid ka mid ah hoggaamiyayasha ugu waqtiga dheeraa dunida.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kaddib markii lagu sameeyay qaliin xiidmaha 2006-dii, ayuu awoodii joogtada aheyd ku wareejiyay walaalkii Raul. Wixii markaas ka dambeeyay wuxuu soo bandhigi jiray oo kaliya muuqaalo la duubay, ka hor intuusan ka dagin xilka February 2008dii.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Bishii September 2010kii ayuu Fidel Castro ka hadlay markii ugu horeysay 4 sano isu soobax. Qudbadiisa ayaa aheyd tii ugu horeysay ee lagu arko ilaa markii uu dib u soo muuqday Julay 2010kii qaliinka kaddib. Dhalashadiisa 90-aad ee Agosto ayey aheyd markii ugu dambeysay ee la arkay.